asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

maxaa diidan in la maxka madeeyo abuu maansuur ?

maxkamad abuu maansuurWaxaa hada si nabad ah dalka soomaaliya ku dhexjooga mid ka mid ah horjoogayaasha argagixisada ku sugan soomaaliya,  horjooge abuu maansuur ayaa ah nin si wayn ugu eedaysan kumaankum ruux oo soomaali ah oo uu qaarna dilay qaarna dhacay qaarna dhaawacay qaarna dalka ka cayriyey, abuu maasuur waxaa uu ahaa hogaamiyiihii kooxda argagixisda ah ee ka dagaalama koofurta soomaaliya, abuu maansuur waxaa lagu xasuustaa dagaalo badan oo uu dawlada laga galay asaga oo adeegsanaya caruur aad u yar yar oo uu askareeyey, abuu maansuur ayaa ku eedaysan inuu kumaankum caruur ah oo uu waalidiintood ka xoogay ka dibna u adeegsaday ciidan, maamulka punland ayaa 3 sano ka hor gacanta ku dhigay boqolaal caruur ah oo shabaabku askareeyeen oo weeraray deegaamadooda, caruurtii dagaaladaas lagu qabtay ayaa u badnaa caruur ka timid  gobolada bay iyo bakool, waana caruurtii uu askareyey abuumaansuur, horjooge abuu maansuur ayaa ku eedaysan qaraxyo badan oo dad lagu xasuuqay oo uu ka fuliyey soomaaliya, abuu maan suur ayaa laba bilood ka hor ka soo cararay duurkii uu ku gabanayey, kadib markii ay dhirto la dhaqaaqday , dhagarqabe abuu maansuur waxaa uu mudnaa ila la maxkadeeyo laguna ciqaabo wixii uu foosha xumaa ee uu sameeyey dalka soomaaliya, laakiin ma yasan dhicin ee abuunsuur waxaa loo dhigay roog guduudan, dawlada soomaaliya ayaad moodaa inay dhiiri galinayso danbiilayaasha , maadaama uu xor yahay abuu maansuur , oo uu waliba diyaarado isaga dhexgooshaya dalka dhexdiisa, miyey dawlada ula muuqatay in abuu maansuur uu ka tawbad keenay  argagixisanadii?, ma filaayo mana dhacayso in qof bartay argagisanimo uu caadi ku soo noqanayo, abuu maansuur waxaa khasab ku ah inuu ku noqdo duurkisii argagixiyana dad badan, maxaa yeelay dhiigiisa ayaa ku shaqeeya argagixisnimada, si kastaba aha noqotee xoriyada uu haysto abuu maansuur waxaa ay murugo ku tahay malaayiin ruux oo soomaali ah oo uu dadkoodii dhaafiyey abuu maansuur. ugu danbayntii umada soomaaliyeed yeysan biciidsanin in rog guduudan asna loo dhigo danbiile cali dheere. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :