asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

qof ka mid noqday argagi xiso rayigiisa mala badali karaa

argagixisSoomaalidu yey u taqaana argagixiso ?, argagixisadu waxaa ay u qaybsantaa laba qaybood, qaybi waa kuwo dano siysadeed wax ku argagixiya iyo kuwo magacdiimeed wax ku argagixiya, kuwa arimaha siyaaseed wax ku argagixiya waxaa weeye dawladaha diyaradaha iyo madaafiicda ku garaacaya dad aan waxba galabsan, kuwa wax ku aragagixiya magaca diimeed waxaa weeye ururadaan  ay ka midka yihiin alqaacida iyo shabaab iyo boko xaaraam iyo kuwo kale oo badan, ururadaan adeegsada magacyada diimeed waxaa ay ciidankooda ku dagaal galinyaal fikrado qaldan oo ay aaminsan yihiin oo takfiiri ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn diinta islaamka oo ay sheeganayaan, qofka u dagaalamaya waxaa ay ka dhaadhicinayaan in hadii uu dhinto uu janada iska galayo taasoo aan waxba ka jirin, kooxahaasu cid aan muslim ahayn ma dilaan iskuma qarxiyaan, waxaana taas marqaati ka ah xasuuqa joogtada ah ee ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed oo wada muslimiin ah, kuwa aaminsan fikradahaan qaldan ee takfiiri ah waxaa ay qayb samaan laba kooxood, koox waa kuwa shanta kula jira arimaha argagixiska oo maalin iyo habeenba qarax iyo dil ku haya walaaha soomaaliyeed, kooxna waa kuwo aaminsan fikrada takfiirga ah oo qalbiga kala jira argagixisada laakiin aan hubaysnayn, kuwaasu saacadii ay doonaan ayey ku biiraan argagixisada, waxaana laga yaabaa inay maal galiyaan aragagixisada,

Waxaa iswaydiin mudan qofku hadii uu noqdo xagjir argagixiso ah ama uu qaato fikrada takfiiriga ah ma la badali karaa fikirkiisa qaldan ? jawaabtu waa maya, qof mar ka mid noqday aragagixiso ma jirto cid ka badali karta fikradiisa qaladan ee uu aaminsan yahay, taaso ah mid aad u xoog badan, waxaa laga dhaadhiciyaa hadii aad dhimato janada ayaad galaysaa oo haween qurux badan ayaa kugu sugaya, hadaba waxaa soomaaliya iiga dhexmuuqda shaqsiyaad badan oo horay uga mid ahaa argagixisada oo layiri waa ka soo baxeen, ragaas waxaa kamid ah -axmad madoobe waxaa kale oo kla mid muqtaar roobow waxaa kale oo ka mid ah wiikii zakariye, waxaan qabaa nimankaasu waligood aysan ka tanasulay argagixisanimo iyo inay dad xasuuqaan, waxaana qasab ah inay hada xiriir toos ah la leeyihiin kooxihii ay ka tirsnaayeen, fikrada aan ka qabo kooxaha argagixisada ayaa ah kii la soo qabto inaan dib danbe dadka lagu dhexsiidayn ee xabsi gooni ah  loo sameeyo, waxaan og soo nahay  boqolaal ka tirsanaa argagixisada shabaab oo inta dawlada isu soo dhiibeen hadana dib ugu noqday argagixisadii, cidina yeysan ku fakarin in qof ka mid noqday aragagixiso in noloshisii caadiga ahaa uu ku soo noqdo, maxaa yaalay qofku markii uu noqonayo argagixiso ama uu qadanayo fikrada takfiiriga ah waxaa laga qaadaa iimanka iyo cawqliga, waxaana uu isla markiiba uu cay iyo colaad u qaadayaa dhamaan inata jecel nabigeena muxamad (csw) kadibna waxaa uu banaysanayaan dhiiga iyo dhaqaalaha muslimiinta, subxaana laahi.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :