asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

saadaam iyo siyaad bare iyo qadaafi dal kooda iyo dad kooda ayey daacad u ahaa yeen

SADEXMADAXWAYNE OO DAACAD AHAAIlaahay subxaana watacaalaa  suuratul ibraahim ayaada (7) waxaa uu noogu sheegay وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكُمْ لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ ۖ وَلَئِن كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِى لَشَدِيدٌ yaadaas oo macnaheedu yahay dadii aad igu shurisaan nimcada aan idin siiyey waa idiin kordhinayaa hadiise aaad ku kufrisaan waxaan idin galinayaa cadaab aad u daran,hadaba dhaqamada uu aadanuhu ka siman yahay ayaa ah in aysan aadanuhu arkin nimcada ay markaas haystaan laakiin ay qoomameeyaan markii ay waayaan, waxyaaba hada dunida ka dhacaya ma ahan wax cusub dhamaantoodna horay ayey uga dhaceen dunida, waxaa jira qowmiyado badan oo horay ilaahay ugu kufriyey oo loo cadaabay siyaabo kala gadisan, qaar biyo ayaa lagu halaagay qaar dhulka yaa lala gooyey, qaar malag ayaa halaajiyey , iyo qaabab kale oo farabad oo dunida looga waday, umada maantay dunida joogta hab dhaqankoodu waxaa uu la mid yahay umadihii hore ee ilaahay ku caasiyey, waxaana dhamaantood ku socota ciqaab rabaarni ah, waxaan maantay qoraalkayga ku eegaynaa umado ku nool sadex wadan oo ku kibray ladnaantii ay haysteen oo ilaahay ugu badalay cadaab, sadexdaas wadan ayaa kala ah ciraaq iyo liibiya iyo soomaaliya, sadexdaas wadan waxaa horay uga talin jiray sadex madax wayne oo mid walba uu daacad u ahaa dalkiisa iyo dadkiisa, sadexdaas nin oo kala ahaa saadaam xuseen iyo mu amar qadaafi iyo maxmad siyaas bare, sadexdaas nin waxaa ay siyaasad isaga horyimaadeed dawlado reer galbeed ah oo dano khaas ah ka lahaa wadamadadooda, waxaana loo adeegsaday shacabkooda, sadexdii madaxwayne waxaa dilay shacabkii ay daacada u ahaayeen, sadexdii dalna waxaa la wareegay umado shisheeye, shucuubtii ku dhaqnayd sadexdaas wadan waxaa ku dhacday carro ilaahay waxaana lagu cadaabay wadamadooda dhexdeeda, caasimadahii quruxda badanayaa ee wadamadaas ay lahaan jireen waxaa ay isu rugeen xabaalo, umadahii deganaa sadexdaas wadan waxaa ilaahay ka lumiyey furihii nabadda , waxaana la isku saliday dhexdooda, waxaa caado u noqotay inay indilaan habeen iyo maalin, dhiigooda ayaa dhulkooda ka sara maray, umadaha ku nool sadexdaas wadan noloshoodu waxaa y ku soo ururtay cabsi iyo gaajo iyo nolol aan la saadaalin karin halka ayku danbayn doonto, waxaa taas u dheer waxaa la biliqaystaa khayraadka dalkooda oo ay waliba ayagu ka baahan yihiin, si kastaba aha noqotee umadahaasu waxaa ay shalaay kataagan yihiin wixii ay shalayku faleen madaxdoodii zaciimka wada ahaa oo ay ku caasiyeen.

by xaashi

 وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكُمْ لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ ۖ وَلَئِن كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِى لَشَدِيدٌnn  nnnnnn    

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :