asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

see loo nool yahay intii dad la laayo

janan danbiilellahay subxaana watacaalaa aadanaha waa karaameeyey waxaana uu xarimay in xaqdaro lagu daadiyo dhiiga aadanaha, nolosha ay nool yihiin kuwa dadka laaya ma ahan nolol ay aduunyada raaxo ku haysata, aakhira uga daran, dalka soomaaliya waxaa caado iska noqotay in inta dad xaqdaro lagu lalaayo hadana aan cidna loo soo xirir, oo waliba kii wax dilay uu deegaanka ku sugan yahay, waxaa xaqiiqo ah in qofka gacan ku dhiiglaha ahi uu qabo walwal iyo walbahaar iyo cabsi dheeri ah oo aysan qabin dadka caadiga ahi, waxaan maantay qoraalkayga ku eegaynaa nin danbiile oo lagu magacaabo cabdirashiid janan, soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (shinbirba shinbirkiisa ayuu la duulaa) c/rashiid janan waa danbiile dad badan ku xasuuqay gobolada gedo bay iyo bakool, waxaa uu xulafo la yahay danbiilyaal waawaayn oo ayaguna dad badan xasuuqay oo ku sugan magaalada kismaayo, c/rashiid janan dadka uu gobolka gedo ku xasuuqay waxaa ay isugu jiraan dhalinyaro iyo waayeel iyo haween iyo culumo, c/rashiid dadka uu xasuuqay waxaa ku jira dad badan oo ka tirsan eheladiida sida aderkiis iyo eedadiis, cabdirashiid dad dilka waxaa uu soo bilaabay taariikhdu markii ay ahayd 1991kii xilgaas oo uu ahaa nin burcad ah waxaana uu dad badan ku laayey gobolada by iyo bakool, tan iyo 1991kii gacanta cabdirashiid janan kama istaagin inuu dad laayo, dawlada xabisha oo ogaatay inuu cabdirashiid yahay shaqsi nolosha ka dhacay ayaa doolow madax uga dhigtay si uu soomaalida u laayo, cabdirashiid janan ma ahan nin yaqaana aqoon aduun iyo mid aakhiro, danbiile c/rashiid waxaa uu garanayaa oo kale sida wax loo dilo, hadii waqtigu nasiiyo cabdi rashiid waxaa uu u horeeya danbiilayaasha aan maxkamadayn doono, laguna soo oogi doono danbiyadii uu ka galay shacabka soomaaliyeed, danbiyada uu galay c/rashiid janan waxaan ku uruurinay gal dacwadeed waxaana uu ka kooban yahay 27 bog, dhamaan danbiilayaasha soomaalida ah ee ku kala nool lawyacado iyo raaskaambooni waa noo diwaan gashan yahiin, xataa kuwa dibadaha u soo dhoofay waa diiwaan gashan yihiin, waxaan ka xunahay in danbiilayaal badan ay dhinteen ayga oo aan la marin sharciga, si kastaba ha noqotee c/rashiid janan waxaa uu wali dhibaato ka wadaa degaamada balad xaawo , waxaana na soo gaaraya iyo dad hor leh ku laayey gobolka gedo, ugu danbaynti cabdirashiid janan wixii danbi ah oo uu fali lahaa waafalay waxaase dhiman wixii ilaahay ku fali lahaa.

wariye  kaliil degmada balad xaawo

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :