asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

soomaalidu waa dad la boobayo oo is boobaysa

la boobto is boobtaWaxaa dalka soomaaliya ka socda boob aad u  xoog badan oo lagu hayo khayraadkii ku jiray badda iyo bariga, waxaa taas garab socda boob ay soomaalida dhexdeedu isku hayaan, hadii aan sharaxaad ka bixiyo boobka ka socda soomaaliya ayaa ah sid tan, dalka soomaaliya waxaa u soo bililiqo tagay malaayiin ruux oo ajaanib ah oo ka kala yimid wadamo kala duwan, dadkaasu waxaa ay habeen iyo maalinba guranayaan khayraad fara badan oo yaalay soomaaliya, ajaanibtaasu waxaa ay cagta mariyeen kaluunkii faraha badnaa ee ku jiray badda soomaaliya , waxa ay gurtaan macdantii ku jirtay badda iyo bariga soomaaliga sida dahabka dheemanka iyo dhagxuunta qaaliga ah, waxaa ay gurteen dhuxushii soomaaliya, ka dibna waxaa ay dalka soomaaliya ka gurtaan caruurta yaryar, dalka soomaaliya ayaa hada ku sigan inuu xaaluf ka noqdo dadka iyo khayraadka, dhanka kale dadkii iska lahaa dalkaan soomaaliya waxaa ay ku mashquulsan yihiin boob iyo bililiqaysi ay dhedooda isku hayaan, dalkii soomaaliya waxaa ka dilaacay wax layiraahdo dhulboob, qofwalba oo soomali ah waxaa uu goaan ku gaaray inuu qabsado dhul aad u badan oo asaga khaas u ah, waxaa dhacday in qof kaligiis ahi iska ooto 2 km oo dhan walba ah, waxaa dhacday in xoog lagu qaatay beero ay lee yihiin dad masakiin ah, waxaa dhacday in guryo dad lee yahay xoog lagu qaatay, qurbajoogta soomaalida ah ayaa hada u badan dadka dhibaatada ka wada soomaaliya,waxaa hada soomaaliya ka socota in aad xoogaa lacag ah siiso gudiga garsoorka soomaaliya ka dibna ay kuu xukumaan dhul aad u balaaran iyo hanti aadan lahayn, cadaalad darada ka jirta soomaaliya ayaa sababtay in malaayiin ruux ay isaga firxadaan soomaaliya, ma muuqato mana dhawa goortii ay soomaali u soo jeesan lahaayeen hagaajinta dalkooda iyo dadkooda, waxaa ay hada soomaalidu mashquul ku yihiin qabyaalad iyo boob iyo si xun wax ku doon, ugu danbayntii waxaan filayaa in dadkii dalka soomaaliya dhaxalka u noqon lahaa aysan wali dhalan. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :