asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

tala xumaa soomaalidu ma tiih baa ku dhacay

soomaali tiihWaxa maantay dunida ka dhacaya ma ahan wax cusub ee waa wax dhamaantood horay uga soo dhacay aduunka, qoraalkaya waxaan ku eegayaa marxalada ay maantay ku sugan yihiin umada soomaaliyeed, dadka soomaaliyeed waxaa ay ku sugan yihiin 27 sano oo fawdo iyo dawlad la,aan ah iyo rajadii dawladnimo oo wali mugdi ku jirta, iyo shacabkii soomaaliyeed oo aan wali ka tanasulin wixii foosha xumaa ee halkaas dhigay, waxaana ay wali u heelan yihiin qabyaaladii iyo inay qolo qolo u noolaadaan, astaamaha soomaalida ka muuqda waxaa uu u eg yahay tihii ku dhacay qoonkii nabi muuse, qoonkii nabi muuse ayaa haan jiray dad madax adag oo aan ilaahay ku shukrin, waxaana ay ahaayeen kuwo aan xumanta iska qaban, nimcooyin badan ayaa ilaahay siiyey waana diideen inay ilaahay adeecaan, waxaa ilaahay ka koriyey dhibaatadii uu ku hayey fircoon waxaa ay nimcadaas uga jawaabeen inay nabi muuse ka hor yimaan, ka dib qoonkaas ilaahay waxaa uu ku riday 40 sano oo tiih ah, waxaa ay dadkaas iska daba wareegayeen 40 sano, oo meeshii ay saaakay ka soo guureen ay habeen kii u hoyanayeen, xigmada ku jirta arintaas ayaa ahayd inay meesha ka baxaan dadka waawayn, si loo helo dhalinyaro dhaanta kuwaan madaxa adag ee ilaahay ku caasiyey, hadaba waxaa xaqiiqo ah in umada soomaaliyeed uu hayo tiih, 27 sano ayey garan waayeen meel ay ka yimaadeen iyo meel ay u socdaan, 40kii sano waxaa ka dhiman 13 sano ilaa ay 40ka sano buuxsanto soomaali dagi mayso, soomaaliya inta uu joogo qofka wayn 40 sano nabad kama dhacayso, waxaa muhiim ah anay meesha ka baxaan dadka waayn oo furaha u ah qabyaalada iyo cuqdada, dalka soomaaliya waxaa uu u baahan yahay dad yar yar oo dhalinyaro ah oo ka fiyow cudurka qabyaalada, dadka ka wayn 40 sano waxaa ay u badan yihiin dad uu tiih hayo, xog uruurin badan oo aan sameeyey ayaan ku soo ogaaday in inta ay nool yihiin dadka waawayn aysan hagaagayn soomaaliya, mudo aan sidaas u sii fogayn ayey ii suurta gashay inaan xiriiro badan la sameeyo soomaalida ku kala firirsan aduunka, suaasha aan waydiinayey ayaa ahayd-(maxay kula tahay waxa ka socda soomaaliya) mid walba waxaa uu iigu jawaabayeen (reer hebel ayaa nabada hortaaga) iyo hadalo badan oo ay ka muuqato nacayb uu u qabo qabiilkale oo soomaali ah, dhamaan dadka aan waraystay waxaa ay ahaayeen dad ka wayn 40 sano, halkaas waxaa iiga soo baxday  in dadka waawayn ee soomaalida ah ee maanatay nool inaysan dhaxal u hayn dalka soomaaliya, dadka waawayn waxaa ay lumiyeen mustaqbalkii ubadka soo koraya, ugu danbayntii dalka soomaaliya hada uma baahna qof danbe oo ciro leh, waxaa hogaanka dalka ku haboon yahay inay qabtaan dhainyaro firfircoon oo aqoon leh oo cimrigoodu ka yar yahay  40 sano. by xaashi

inay yihiin dad uu ku dhacay tiih,

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :