asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

xildhibaan fiqi markii uu boodayey baarashuud ma watay ?

XILDHIBAAN FIQIQof kasta oo soomaali waxaa uu xaq u lee yahay inuu ka hadalo wax kasta oo uu is leeyahay waa ka qaldan yihiin dalkiisa hooyo ee soomaaliya, marka hore waxaan ka cudur daaranayaa sawirka iyo magaca xildhibaan fiqi aan soo qaatay, sababta aan u soo qatayna waa in xildhibaan fiqi ay naga dhaxayso dal iyo af iyo deegaan diin iyo dhalasho soomaalinimo, xildhibaan fiqi uma soo qaadan inaan qoraalkayga ku aflagaadayno nasabkiisa iyo qabiilkiisa iyo qoyskiisa, laakiin waxaan doonaynaa inaan ka hadalno shaqsinimadiisa iyo sida ay soomaalidu u aragto, waxaa jira siyaasiyiin badan oo mudo dheer siyasada ku soo jiray balse aan la arkin ubucdaada siyasadeed, oo halka ay ujeedaan inaad malayso maahane aan ala qiyaasi karin, siyaasadu ma ahan wax lagu dhasho ee waa wax la barto, qofka siyaasiga noqonaya waa inuu leeyahay caqli badnaan iyo deganaan iyo dulqaad badan, soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (geedkii fudayd lagu fuulo fudayd ayaa looga degaa) sanad walba siyaasiyiin cusub ayaa ka soo dhexmuuqda bulshada soomaaliyeed dhexdeedna, waxaa jira siyaasiyiin cusub oo  ku soo biiray masraxa siyaada soomaaliya oo hadana si fudud ku fashilma, axmad macalin fiqi waa nin siyaasada ku cusub, mana ahan nin ay soomaalidu wada taqaano marka laga reebo qoyskiisa, waxaa uu fiqi ku soo caan baxay dawladii  xasan sheekh iyo sheekh shariif mid kood taasoo uu mar ka helay xil hoose, fiqi hada waa xildhibaan ka mid ah xildhibaanada soomaaliya,  waxaana uu ku lug lee yahay maamulka gal mudug, waxaa jiray marar dhowr ah oo uu fiqi saxaafada lahadlayey waxaa uu u muuqday nin wadani ah oo jecel dalkiisa iyo dadkiisa , umada soomaaliyeed qaar badan ayaa fiqi u arkayey in uu yahay siyaasi cusub oo aragti fog leh, balse mude yar ka dib ayuu fiqi  bulshada horteeda isku dhex toogtay, fiqi ayaa madiyaha soomaalida ka sii daayey hadal ay ka argagaxeen cid walba oo dhagaysatay, fiqi ayaa xajin waayey waxa xun ee qalbigiisa ka buuxa, fiqi ayaa arimo qabyaaladeed oo qaawan la soo istaagay madiyaha, fiqi ayaa arimo qabiil ugu dhaartay madaxwaynaha soomaaliya, sheegayna inuu  asagu maxamad siyaad bare dalka ka cayriyey, malaayiin qofood oo soomaali ah ayaa ka carooday falka uu ku kacay fiqi,  waxaana ay dib u laqeen wixii ay ka filayeen fiqi, fiqi ayaa hada u muuqda nin ay qabyaalad dilootay oo aan wax caaqibo ah lahayn, dad badan oo siyaasada ku sub ayaa diyaarada ka booday ayaga oo aan baarashuut wadan, ka dibna la waayey meel ay jaan iyi cirib dhigeen, hadaba sow lama oran karo fiqi diyaaradii uu saarnaa waxaa uu ka buubad asaga oo aan baarashuut wadan, hada ka dib umada soomaaliyeed waxaa ay fiqi u aqoonsan doonta nin ku kooban qoyska uu ka soo jeedo  oo kaliya, loomana dhiibi doona wax ka dhexeeya umada soomaaliyeed, hadii fiqi sidaan sii ahaado waxaa dhici doonta in fiqi uusan waligiis xil ka qaban doonin dalka soomaaliya.

si kastaba ha noqotee siyaasiyiinta cusub ee soomaalida ah waxaan kula dardaarmayaa inay san bulshada ka hor sheegin wax kasta oo keeni kara qabyaalad iyo iska horkeen bulsho, waxaana muhiim ah in qofka siyaasiga ahi iska ilaalliyo hadal qadaf ah oo hadhow wax u dhimi kara siyaasadiisa iyo sumcadiisa, rag badan oo mudo siyaasada ku jiray ayaan maantay awoodin inay bulshada soo hor istaagaan, sababtoo ah waxaa dhaawacay hadal xun horay afkiisa uga soo dhacay oo asaga dib ugu soo noqday, fiqi hadalkii u danbeeyey ee uu uga hadalay arimaha qabyaalada waxaa ka soo gaaray haaraan iyo habaar badan oo uga yimid bulshada soomaliyeed, fiqi waxaa uu danqiyey boogihii colaadeed ee la doonayey in la daaweeyo, waana hadal aad u xun oo taariikhda u galay fiqi, ugu danbayn dadka soomaaliyeed waxaa ugu liita kuwa ka shaqeeya qabyaalada iyo qoloqoloda.

by xashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :