asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

yaa loo soo xiray xasuuqii zope

qarixii zope14kii oktoobar waxaa magaalad muqdisho ka dhacay fal argagax leh oo ay soo maleegeen  warabayaal ay ku fog tahay cadownimada shacabka soomaaliyeed, waxaa walxaha  qarxa lagu bartilmaameedsaday dad aad u badan oo shacab ah oo ku sugnaa jidka hor mara zope oo xiligaan ahayd waqti ay dadka iyo baabuurtu isku xirmeen,  qaraxaas waxyeelada uu u gaystay shacabka soomaaliyeed  ayaa ah mid isugu jira dhimasho iyo dhawac iyo hanti badan oo burburtay, dad ka badan 1000 qo food ayaa noqday wax dhintay iyo wax dhaawacmay iyo kuwo lawaayey meel ay jaan iyo cirib dhigeen, dadkii falkaas gaystay iyo kuwii fududeeyey wali lama soo qaban  lamana hor gayn cadaalada , sababaha hortaagan in la soo qaban waayo danbiilayaashii falkaas gaystay ayaa ah wax ku salaysan qabyaalad, danbiile kasta waxaa uu salka ku hayaa qabiilkiisa oo difaacaya, waxaa hada cad in la yaqaano cida fududaysay qaraxaas iyo cida iska lahayd gaarigii meesha ku qarxay ,iyo meesha uu ka yimid, iyo cida soo abaabushay qaraxaas xun, sida ay cid waliba la socoto baarlamaanka soomaaliya waxaa ku jira xildhibaano  badan oo shabaab ah, ururkii argagixsada ahaa ee damaljadiid ee caanka ku ahaa laynta wariyayaasha iyo fanaaniinta iyo siyaasiyiinta ayaa nasiib u helay inay ku dhexmilmaan baarlamaanka soomaaliya, waana kuwa hada fududaynaya qaraxyada lala beegsanayo goobaha dawlada, ganacsato  bahalo ah ayaa kharash ku bixiya qarxinta iyo qalqalinta shacabka iyo maanka, horjoogayaal beeleed ayey ka go,an tahay inaysan nabad ka dhicin soomaliya, shaqsigii danbiile ah ee ay dawlada soomaaliya soo qabato waxaa ka hoos dhalanaya horjoogayaal dawlad diid ah oo qabiil adeegsanaya, ganacsatada iyo qolyaha dawlada diidan ee haysta hantida xaaraanta ah waxaa ay dalad u yihiin shabaabka, ayaga ayaana soo hogaamiya, ma dhici karto macquulna ahan in laganwaayo kuwii qaraxa ka gaystay zope, ujeedooyinka loo hortaagan yahay dawladnimada iyo kala danbayta soomaaliya ayaa ah mid ku salaysan dhaqaalihii ay dawlada soomaaliya  heli lahayd oo ku dhacaya jeebka danbilayaasha, si kastaba ha noqotee shacabka soomaaliyeed waligood ma hor marayaan ilaa ay iska fujiyaan abeesada dhexda ugu duuban, ugu danbayn waxaan halkaan ka habaaraynaa kuwii ka danbeeyey qaraxii lala eegay zope iyo qaraxyadii ka horeeyey iyo qaraxyadii ka danbeeyey ee ka dhacay soomaaliya waxaan leenahay  meel aad joogaanba alla idin ku qarxiyo.

HALKAAN WAXAAN TACSI TIIRAANYO LEH UGA DIRAYNAA DHAMAAN EHELADA IYO QARAABADA DHAMAAN DADKII LAGU QARXIYEY ZOPE IYO  KUWII SOOMAALIYA KA DHACAY OO DHAN  WAXAAN LEE NAHAY SAMIR IYO IIMAAN ALLAHAY HA IDINKA SIIYO, INTIIDHAAWAC AHNA ALLAHA CAAFIYO, INTII KU XOOLO BEESHAYNA ALLA SOO GALIYO DHAQAALE KA BADAN KII DHAAFAY, INTII DHIMATAYNA ALLHA U NAXARIISTO JANADA ALLAH GEEYO. AAMIIN

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :