asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

amniga soomaaliyo yuu u yaalaa ?

shirka_shir (2)Magaalada xamar waxaa ka dhacaya shir ay ka soo qayb galeen  ajaanib fara badan oo looga hadlayo amniga soomaaliya. shirkaas dhanka soomaalida waxaa u matalyey horjoogayasha maamulqabiileedayada iyo madaxwaynayaasha soomaaliya mudane farmaajo ,sida la sheegay shirkaan ayaa daba socday shirkii london ee kabaha waawayn loogu soo xiray maamul qabiileedyada, ujeedada shirkaan ayaa ah in dhidibada loogu sii adkeeyo lugooyadii ay dawlada ingriisku u maleegatay soomaalida, dawlada ingriiska ayaa qarnigii 20 aad soomaaliya ugu qaybisay 5 qaybood, qarnigaan 21 aadna waxaa ay ku wadaa inay soomaalida u qaybiso 7 waxood, dawlada ingiriiska ayaa sanadkii hore dalkeeda ku martiqaaday horjoogayaasha maamul qabiilada, waxaana ay u dhigtay  ayey rog cas, ujeeda ay dawlada ingiriiska sidaas u samaysay ayaa ahaa mid ay ku doonaysay inay tusto horjoogayaasha  maamulqabiilyada inay yihiin madaxwaynayaal ka madax banaan soomaaliya.

Shirkii london ka hor horjoogayaashu kuma aysan dhiiran inay madax waynayaal sheegtaan, xulafada reer galbeedka ee uu ingiriisku u horeeyo ayaga ayaa soomaaliya ku qasbay inay federal nodaan,  waxaana ka go,an inay soomaaliya ay u qaybiyaan 7 dawladood oo aan awood lahayn, taasina layaab ma ahan oo haray ayey dalka soomaaliya ugu qaybiyeen 5 qaybood oo wali qaarkood la gumaystaa, dawladahaan shisheeye dacaad kama ahan danaha dalka soomaliya, amniga soomaaliya waxaa uu u yaalaa umada soomaaliyeed, guri walbana qofkii degan ayaa nadiifsada, ma jiro qof nadiifinaya guri uusan lahayn, dawladahaan shisheeye tirada uguma jirto in soomaaliya degto oo ay yeelato dawlad xoog leh , dhaqaalihii ay ay siin lahaayeen ciidamada soomaaliya waxaa ay siiyaan ciidamo shisheeye oo ay dibada ka keen sadeen, deeq bixiyayaashu dacad kama ahan in argagixisada laga xoreeyo soomaaliya, sidoo kale daacad kama ahan in la dhiso ciidamadii milatariga soomaaliya , waligood waxaya kariid iyo baasiin ladaba jogaan xaalada soomaaliya.

Shirka hada xamar ka socda waxaa lagu bahdilayaa dawlada soomaaliya, oo waxaa la tusayaa inuu dalku lee yahay madaxwaynayaal badan, dhanka kale wax kasta oo ay soomaaliya siinayaana waxa daba taala shuruudo, si kastaba ha noqotee shacabka soomaaliyeed waa ka daaleen talo ay ka sugaan umado shisheeye , hadaba umada soomaaliyeed maxa la gudbood ?, waxaa ay ila tahay in lagaaray waqtigii ay soomaalidu ka tashan lahayeen danta dalkooda iyo dadkooda, soomaaliya ayey u taalaa sidii ay dalkooda iyo dalkooda u maarayn lahaayeen, ugu danbayn soomaalidu ha ogaato in ajnabitu  lug ay ka gooyaan ma ahane inaysan lug u kabayn.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :