asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

Hala rooro run ha moodin

Aadanaha ilaahay abuuray uma sina caqliga iyo cilmiga iyo midabka iyo xooga iyo dhaqaalaha iyo xishoodka iyo garashada iyo meelo kale oo badan,qof walba illaahay xigmad uu og yahay ayuu u buuray kuna abuuray, mana jiro qof qof  la dabeecad ah, aadanaha cilada ugu xun ee mustaqbalkiisa lumisa ayaa ah fudaydka, qofku hadii uu fudud yahay waxaa uu ku dhacayaa boholo badan oo naftiisa iyo aayahiisa danbe  halis galisa, maantay qoraalkayga waxaan ku eegayaa waxa aadanuhu sheego ama sameeyo waxa ka runta ah, inta badan waxa uu aadanuhu sheego ma ahan kuwa run ah, waxkasta oo aad maqasho ha u qaadanin inay tahay mid run ah, waxaa laga yaabaa in sida wax loo sheegayo ay ka fog tahay  xaqiiqada, wixii aad aragto  hubi  oo ogaw waxa ka danbeeya, hadii kale waxad ku dhacaysaa dabin aadan waligaa ka bixi doonin, waxaa jira dad badan oo soomaali ah oo si fudayd ku jiro ku galay danbiyo waawayn, waxaana ay hada noloshoodu ku jirtaa ciriiri badan,  dadkaasu xiligii dagaalada sokooye ay socdeen ayey dad badan oo soomaali ah habqabiil ugu sameeyeen  xasuuq iyo kufsi iyo jirdil dhac, kuwaas oo run u qaatay hadala hogaamiye beeleedka, balse maantay ayey ogaadeen in wixii ay sameeyeen  inay ahayd wax qaldan, sidoo kale gacan waliba wixii ay goyso ayey leedahay,  danbi walba wuxuu ku eg yahay shaqsigii galay ,ma jirto qof kale ama qabiilo la wadaagta danbigaas. waxaan dhibaato iyo danbi ahna waxaa ay ku galeen fuday.

Dhanka kale dad madiyaha adeegsada waa dad ay hagartoodu aad u badan tahay, mana ahan dadkii aad arki jirteen, wararka ay idaacadaha iyo telefishinada iyo websideyada ka sii daynayaan ma ahan mid run ah, wax ala waxa la soo galiyo madiyaha ha u qaadan run, hana ku fududaan,ha aaminin sawir ku jira madiyaha , masawirkaagana ha galin, aragti sax ah ha qaadanin wixii aad ku aragto internetka, %88 ha aaminin waxa la soo galiyo madiyaha, hubi waxkasta oo aad ku aragto ama ka maqasho madiyaha, waqtigaaga ha isaga qasarinin qof ama waxa ku jira madiyaha, xogtaada rasmiga ah ha galinin madiyaha, xoolahaaga ha ku aaminin internetka, qof ama koox ha kala saaxiibin madiyaha, hadii madiyaha lagaala soo xiriiro hubi qofka kula soo xiriiray , waligaa haka jawaabin fartiin madiyaha lagaaga soo diray, hadii ay dhacdana jawaab sax ah ha siin, taleefanka iyo ubadkaaga ha galin madiyaha, meesha aad joogto iyo meesha aad aadayso ha galin madiyaha, cimrigaaga iyo meesha aad ku dhalatay hagalin madiyaha, waxaad jeceshahay iyo waxa aad neceb tahay ha galin madiyaha, marna ayaan la ogaanin halka ay dabayshaadu u socoto, markii aad madiyaha ku jirto waxaa lagaaga  baahan yahay inaad leedahay socod carsaanyo, maxaa yeelay dadka ka buuxa madiyuhu waa wada carsanyo, ha u qaadanin madiyaha meel ilbaxnimo laga kororsado, hadii dhanka wanaagsan oo adeegsato madiyaha  waxaa laga yabaainaad ka hesho waxyaabo aad u yar oo ju anfaca, waxaad ogaataa in lagula socdo lana og yahay halka aad dunida ka degan tahay iyo magacaaga iyo computarka ama taleefanka aad warka soo dirtay iyo browsarka aad adeegsatay, waxa sidaas kuula socdana waa shacabka madiyaha kugula jira, laakiin dawladuhu waxaa ay haystaan aalado waawayn oo casri ah oo ay kugula socdaan dhaqdhaqaagaga asaga oo maqal iyo muuqalba ah, hadaba waa inaad ogaataa inaan meediha run oolin runa la isugu sheegin.

qoraalkasta oo madiyaha  la soo galiyo kama tarjumayo qofka soo galiyey waxa uu aaminsan yahay , hubi qof kaas , waxaa laga yaaba in qofkaas waxa aad moodayso in uusan ahayn , qofna ha kula saaxiibin waxaad u malaysay, si kastaba ha noqotee qoraalkaygaan ayaa ah mid ugu tala galay inaan bulshada somaaliyeed uga digo inaysan ku fududaan wax walba oo ay samynayaan, soomaalidu waxaa ay ku maahmaahda (hubsiino halbaa la siistaa) , ugu danbayntii waxaan shacabka soomaaliyeed ku waaninayaa in wax kasta oo ay arkaan ama ay maqlaan  inaysan horay  ka adeecin , waa inay si taxadar ku jiro u baaraan waxaas  waxa ka jira, waana inay talaabo kasta oo ay qaadayaan baaraan waxa uga imaan kara,. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :