asmaul-husna waqtiga-salaada1-
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

jahli ubadkiis waa qabyaalad,

JAAHIL IYO QABYAALAUmadaha aadka ugu dhaqma qabyaalada ayaa la ogaaday inay yihiin dad aduunka ugu aqoonta yar, waxaa la ogaaday dadka wax bartay ee leh cilmiga maadiga ah ma kan diiniga ah ay yihiin dad aan isticmaalin qabyaalada, qofba qofka uu ka qabyaalad badan yahay ayaa la ogaaday inuu ka jaahil san yahay, aqoontu waa furaha nolosha, jaahilnimaduna waa furaha geerida, dunida meelaha ay uga nool yihiin dadka juhalada ahi waxaa ku badan qabyaalada iyo dagaalada iyo dilalka joogtada ah iyo xadgudubyada, waxaana ku yaraada naflayda, meelaha ay ku nool yihiin dadka aqoonta leh waxaa ku badan amaanka, waxaa harsada naflayda oo dhan, waxaana ku bata dhaqaalaha , waxaana ku magoosha dhirta, hadaba dadka soomaaliyeed sidee ku yihiin qabyaalada ? mase yihiin dad aqoon leh, umada soomaaliyeed waa dad aad ugu dhaqma qabyaalada, waxaana loo anaynayaa aqoon la,aan badan oo haysa, dadka soomaaliyeed %20 ayaa ah dad wax bartay,%80 waa dad aan waxba baran, waana mida keentay inay muuqan waayaan aqoonyahana doodu, 25kii sano ee la soo dhaafay dadka siyaasada soomaaliya horboodyey waxaa ay ahaayeen dad aan wax aqoon ah lahayn oo hab qabiil u abaabulan, booskii ay aqoonyahanadu ku lahaayeen siyaasadaha soomaaliya waxaa buuxiyey qabyaalada, jahliga hareeyey shacabka soomaaliyeed waxaa uu dhaxalsiiyey inay soomaalidu wadanoolaan waayaan, inay dawlad dhisan waayaan,inay islaayaan, inay kala qaxaan, iyo inay dalkooda iibsadaan, jaahilnimada umada soomaaliyeed haysa waxaa ka faaiidaystay umado shisheeye, waxaa xoog looga gurtay khayraadkoodii, dhaqaalihii ka soo baxay ayaa raashin dhacday oo loogu soo badalay, oo waliba loo geyaa xiliya ay beerahu u soo go,aan si dhaqaalaha soomaalida loogu cuuryaamiyo,  si kastaba ha noqotee, umada shisheeye ee aqoonta leh waxaa ay taageersan yihiin qofkasta oo soomali ah oo ay isleeyihiin waa jihil , ugu danbayntii hadii aysan umada soomaaliyeed ku dadaalin wax barasho waligeed ka adkaan mayso jahliga iyo qabyaalada.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :