asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

kenya oo dalkeeda ka mam nuucday shiishada

shiishad kenyaDawlada dariska la ah soomaaliya ee  kenya ayaa dalkeeda ka mamnuucday daroogada wayn ee loo yaqaan shiishada, baaritaan dheer  oo ay samaysay wasaarada caafimaadka kenya ayaa lagu soo ogaaday in shiidadu ay tahay daroogo dilaa ah oo halis ku ah shacabka kenya, dawladaha rwanda iyo tanzania ayaa ayaguna horay dalkooda uga mama nuucay shiishada, hadalka ka soo yeeray maxkamada kenya ee lagu mamnuucay shiishada waxaa soo dhaweeyey malaayiin ruux oo kenyan ah  oo ay shiishadu galaafatay ubadakoodii iyo eheladoodii,  shiishada laga mamnuucay dalka kenya waxaa ay saamaynta ugu wayn ku yaalanaysaa kumaankum ruux oo soomaali ah oo kenya ku caba shiishada, shiishadu waa daroogo halis ah ,waxaana ay asal ahaan ka timid qaarada asia, waxaana qaarada africas keenay  soomaalida oo carabta daris la ah, soomaalidu 4 afar waxyaabood ayey carabta ku noo bariga dhexe ka barteen kuna dhaqmaan, afartaas oo kala ah shiishada, argagixisnimada iyo qabyaalada iyo xaasidnimada, afartaas dhaqan ee bariga dhexe  soomaalida uga yiimid ma jiro hal mid soomaalida u wanaagsan , si kastaba ha noqtee daroogada shiishada ayaa noqotay mid ay soomaalidu si wayn u cabto, waxana isticmaala dadka waawayn iyo dhalinyarada oo isugu jira lab iyo dhadig, shiishada waxaa caba oo hadana lagu cabaa goobaha fisaqa, waxaana caba dadka shanta kulajira fusuqa,  si kastaba ha noqtee  dad badan oo soomaali ah ayaa iska indha iyo dhaga tiray dhibaatada ay shiishadu leedahay, waxana ay noloshoodii ka doorteen inay jirkooda ku gubaan qiiq sumasan oo oo wadnaha iyo beerka iyo dhuunta cadaynaya,  shiishada ayaa la, ogaaday in laga qaado kansarka ku dhaca beerka iyo feeraha iyo dhuunta iyo sanbabka, ugu danbayn malaayiin ruux  oo isticmaali jiray shiishada ayaa dunida ka tagay ayaga oo la il daran dhibaato uga timid shiishada.

by xaashi

 

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :