asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

maxaa ka jira soomaali galbeed ?

xabashida-oo-bara-kicinaysa-shacabka-soomaaligalbeed-Gobolka ay xabashidu gumaysato ee soomaali galbeed ayaa laga soo sheegayaa xasuuq fara badan oo halkaas ka jira , taliska wareersan ee tigreega ayaa laba jibaaray xasuuqii ay horay uga hayeen shacabka soomaali galbeed, warka aan ka helayno gobolkaas ayaa sheegaya inaysan xabashi u kala harin dhibaatada lagu hayo walaalaheen soomaali galbeed, kumaankum ruux oo soomaali ah ayey xabashidu ka dhigtay wax ay disho iyo wax ay dhacdo, dadka ay xabshidu xasuuqday ayaa isugu jira caruur iyo waayeel iyo dhalinyaro  iyo haween,  kumaankum ruux oo soomaali ah oo horay uga qaxay dhibaatada kooxda cabdi iley oo galay deegamada oromada ayaa la laayey, waxaana la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigeen xoolahoodii iyo ubadkoodii, xasuuqa soomaalida loogu gaystay gobolka soomaali galbeed waxaa ka qayb qaatay ciidamada milatiga xabashida iyo shacabka xabashida, maamulka dargiga ee xabashidu waxaa uu gobolkaas ka gooyey isgaarsiintoo, waxaana uu ka mamnuucay in wax war ahi dibada ka soo galo ama ka baxo, waxaa kale oo ay xabashidu kala jartay dhamaan wadooyinkii isku xirayey gobolka soomaali galbeed, gabi ahaanba waxaa hada hareereesan magaalada jigjiga, waxaana banaanka loo saaray ciidankii uu cabdi eley shacabka ku layn jiray ee leyuu boliska, dhanka kale wararka aan ka helayno deegankaas ayaa sheegaya in saraakiil tigree ah oo ku sugan jigjiga qaybna ka ah hawlgalada lagu cirirbtirayo soomaalida ayaa cabdi ilay u sheegeen in xilka laga qaadayo, cabdi elay ayaa ku  cataabay hadii xilka la iga qaado ma hekayo meel aan dunida uga noolaado, waxa taas dheer  waxaa cabdi iley las oo xiriiray horjoogaha ciidamadii oromada ahaa dadka badan ee soomaalida ah xasuuq ayaa cabdi elay u sheegay in oromo iyo amxaaro iyo tigree ay u midoobeen sidii ay soomaali u sifayn lahaayen, adiguna aad tahay nin qaawan oo dadkiisii horay u xasuuqay.

Malaayiin ruux oo ka mid ah shacabka soomaali galbeed  ayey la soo daristay nolol xumo iyo amaan daro, aad u daran,gobolkana waxaa ka jira abaar aad u daran, kumaamkum ruux ayaa isaga soo cararay tacadiyada ay xabashidu ka wado gobolkaas,soomaaliya iyo jabuuti iyo kenya waxaa buux dhaafiyey shacabka soomaaliyeed ee ka soo qaxaya soomaali galbeed, si kastaba ha noqtee, soomaalidu waxaa y ku maahmaahda(nabar la filyo naxdin ma lahan) umada soomaaliyeed markii horeba xabashi kama filayn wax wanaag ah, cadwga koowaad ee ay umada soomaaliyeed leedahayna waa xabashi, ugu danbayntii waxaan leenahay taliska wayaanuhu ha dhaco , umada soomaaliyeed waxan kula talinayaa inay u gurmadaan umada soomaaliyeed ee ay xabashidu ku xasuuqays gobolka soomaali galbeed.

wariye  cawil cali deegaanka feerfee

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :