asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

munaafiqiin ayaa degay mediyihii soomaalida

somali madiaMadiyaha ay soomaalidu adeegsato  waxaa ka socda waxyaabo badan oo sumcad daro ku ah umada soomaliyeed, baraha ay ku kulmaan soomaalidu ee loo yaqaan social media waxaa degay oo xarun ka dhigtay soomaali munaafiqiin ah oo aad u dhaqan xun, mararka qaar waxyaabaha ay ku hadlayaan ama ay soo galinayaan mediyaha hadii aad maqsho ama ay ishu kaaga dhacdo waxaa kugu dhacaya argagagax, hadalada xumaanta iyo ceebta ah oo ay is dhaafsanayaan kuwaasu ma ahan wax uu dhagaysan karo qof uu ku jiro wax yar oo imaan ahi, munafiqiinta ka buuxa madiyaha ma aanan arkin qof soomaali ah oo aysan caayayn, munafiqiintu waxaa ay jecel yihiin inay had iyo jeer ceeb u yeelaan qof aan lahayn, munaafiqiintu waxaa ay ka ugaartaan madiyaha dhexdiisa, hadalkasta oo wanagsan ka baxa meediyaha waa ay jar jaraan waxaana ay u rogaan dhinac xun ka dibna waa faafiyaan, munaafiqiintu dadka ay hadaladooda  bar tilmaameed sadaan waxaa ka mid ah culumada madaxda dawlada, waxgardka , siyasiinta, aqoonyahana , saraakiisha, nabadoonada ,wariyayaasha iyo qofkasta oo ay isleeyihiin hadal kiisu saamayn ayuu ku dhex leeyahay bulshada dhexdeeda, munaafiqiintu waxaa ay leeyihiin websideyo iyo talevisiono iyo radio yaal ay ku faafiyaan fawaaxishka iyo minaafaqadood, hadii an u dhabagalay kuwa ay yihiin munaafiqiinta qaribay madiyaha ayaa ku soo ogaday inay dhamntood yihiin kuwa aan qaymo lahayn oo horay nolosha uga dhacay, waxaana ay isugu jiraan lab iyo dhadig, munafiqiinta qaarkoodna maskaxda ayaa looga jiraa, hadaba nasiib darada soomaalida ku habsatay ayey ka mid tahay in barahoodii bulshada ay isu badalaan goob lagu faafiyo sharta laguna ceebeeyo haldoorka dadka laguna dumiyo dawlada laguna taageero cadowga, waxaa hada naxdin ah in dad badan oo an islahaa waa ka badbaadeen goobaha munafiqiintu isu yimadaan ayaan hada ogaanay inay ku taxan yihiin, si kastaba ha noqotee waxaa social mediyaha ku jira goobo kale oo wanaagsan oo ay ku kulmaan waxgaradka iyo aqoonyanadu iskuna dhaafsadaan macluumad badan oo cilmi iyo siyaasad ah, inta badana dadkaas wanaagsani  waxaa ay iska waraystaan danta dalka iyo dadka soomaliyeed, laakiin waxaa aad u badan goobaha ay isugu yimaadaan sharwadaasha soomalidu.ugu danbyntii umada soomaaliyeed waxaan ku waaninaya inay ka fogaadaan qaybta social mediyaha ee ay ku kulmaan munafiqiinta laguna faafiyo ceebaha dadka looguna gafo culumada iyo caamadaba.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :