asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

qof aan is dulayn ilaahay ma duleeyo

qof aan is dulayn ale ma du leeyoQofkasta oo nool wixii uu ku dadaalo waa helaa, waase hadii alla aqbalo, %100 ilahay adoomadiisa waa ka qabalaa wixii ay ka baryaan,umada soomaaliyeey waxaa ay mudo dheer ilaahay ka baryayeen in dawladoodii dhexe ay dhacdo, ilaahayna waa ka aqbalay, balse ducadooda kuma aysan darsan in dawlad dhaanta alla ugu badalo, umada soomaaliyeed waxaa ay aad ugu dadaaleen ku dhaqanka qabyaalada iyo musuqa, alana waa u fududeeyey waana ku guulayteen, waxaana ay heleen faa,iidadii ay lahayd qabyaaladu, 27 sano oo burbur iyo dawlad la,aan ah waxaa uu dalkii soomaaliya marayaa inuu gacanta u galo argagixiso iyo umado khishisheeye

Dalka iyo dadka soomaaliyeed waxaa ka muuqda arimo badan oo  aan maxkaxda galayn oo qofkii joogay dawladii dhexe uu argagax ku dhacayo, ma waxaa aragteen  dadkii soomaaliyeed oo isaga qancay in dalkoodii lagu gumaysto, ma waxaad aragteen soomaalidii oo wada bahan oo gargaar tuugsanaysa, ma waxaad aragteen soomaalidii oo u kala dhuumanaysa shisheeye , ma waxadargteen soomaali gaajo darteed iibinaysa dalkooda, ma waxaad aragteen soomaali gaajo darteed argagixiso u noqday, qof baa qado maalin ah waxaa uu ku badalanayaa inuu qarxiyo suuq ama meel laga buuxo, arimaha dulinimada ah ee ka muuqda soomaalida ma ahan mid uu markii hore rabigay la damcay ee mid ay gacmahooda ku keensadeed, ka dibna rabi aqbalay, si kastaba ha noqtee soomaalidu waxaa ay tiraahdaa (haruub daatay dabadiisa ayaa la qabtaa) hadii ay soomaalidu hada isku daydo inay soo ceshato sharafteedee iyo karaamadeedii waa soo ceshan kartaa, waase hadii ay iska daayaan wixii xumaa ee meeshaash dhigay, ugu daanbayn waa inay soomaalidu ka fogaataa qabyaalada iyo musuqmaasuqa iyo nin jeclaysiga iyo cadaaladarada iyo xaasidnimada, hadii inataas la helo waxaa ay soomaalidu noqon doonta kuwo ka adag cid kasta oo dalkooda soo faragalisa ka adag.

by xaashi

laga filayn inay sidaas noqonayaan,

 

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :