asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

tan libya ku haysata dhalinta waxaa ka daran tan dalka ku haysata

magfe iyo soomliyaBaryahaan waxaa qaylo dhaan culus ka imaanaysay tahriibaysha lagu haysto wadanka burbursan ee liibiya, wararka ka imaanaya liibiya ayaa sheegaya in tahriibayaashii ay magafaayashu qabsadeen ay sid xoolihii u kala iibsnayaan, soomali badan ayaa la sheegaya inay ku jiraan gacanta magafyaasha, sawiro laga helay maxaabiistaas ayaa u muuqday kuwo ay xaaladoodu aad u xun tahay, man muuqto rajo dhow oo ay maxaabiistu ka baxayaan gacanta magafayaasha, waxaa kale oo jira xiriiro badan oo aan la samaynay deegaamada  soomalida laga soo tahriibiya sida muqdisho iyo hargaysa iyo adisabaaba iyo nairobi ayaa ku soo ogaanay in kumaan kum soomaali ah ay u diyaarsan yihiin inay maraan libiya si ay u gaaraan yurub, waliba ayaga oo og dhibaatada laga soo sheegayo liibiyo iyo badda mediterraneanka, hadaba waxaan is waydiinayna maxay dadku uga yaacayaan soomaaliya ? sida xaqiiqada ah soomaaliya waxaa ka jira dhibaato aan qarsoonayn oo aan ogolaanayn inay cidina ku noolaato dalkaas, soomaaliya kama jirto shaqo iyo amaan iyo cadaalad iyo alla ka cabsi, xabsiyada soomaaliya waxaa buux dhaafiyey kumankum dhalinyaro ah oo badan kood ku xiran cadaalad daro, soomaaliya kama jiro garsoor cadil ah, waxaana dalka soomaaliya hareeyey musuqmaasuq iyo qabyaalad, dhalinyarada waxaa adimada ka jara qaarna dila qaarna xoog ugu shaqaysta argagixisada,qaarna ciidamada shisheeye ayey u xiran yihiin, qaarna guryaha ayaa lagu xirtay, si lacag loogu soo furto, waxaa taas u dheer wax kasta oo ay nolol iyo waxbarasho ku heli lahaayeen waxaa lagu maaraynayaa qabyaalada iyo laaluush iyo nin jeclaysi, dhaliyaradu markii ay is barbardhigeen dhibatada ku haysa dalkooda iyo mida tahriibka waxaa  ay%100 ku qanceen in tahriibku u fiican yahay, maxaa yeelay waad dhimanaysaa ama waad noolaanaysaa ,soomaaliya waxaa ay gacanta ugu jirtaa dad u nool habqabiil oo shisheeye ka amar qaata, si kastaba ha noqotee hadii uu dalka soomaaliya sidaan sii ahaado waxaa la waayi doonaa qof danbe oo soomaali ah oo ku nool soomaaliya. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :