asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

waligay cadaalad kuma helin ciida soomaaliyeed

dcadaalad daroMarka laga reebo labdii walid ee i dhalay khar badan allaha siiyo aduunka iyo aakhiro ee ma jir qof kale oo soomali ah oo dunida korkeeda jooga oo cadaalad ii falay, tan iyo dhalaanimo waxaan ahaa nin ku dhex jiray bulsho cadaalada laga mamnuucay, caruurnimadaydii majir cunug iga wayn oo iga celiya caruurta iga wayn wayn ee i dili jiray, mana jirin walaad wanaagsan oo iga ceshada caruurtooda, labadayda waalid ee dhalay ayaa ii ahaa kuwa mar walba u taagan inay iga difaacaan cadawga, markii aan soo hana qaday ma helin wixii aan xaqa ugu lahaa dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaa daboolka la iga saaray irdo badan oo aan nolol  u raadasaday,dalka waxa ii muuqday musuq maasuq iyo wax isdaba marin aanan waxba ka qaban karin, markii danbana waxaa dhacday in gurigii aan lahayn oo aan ku noolaa in nala ku dul iibsaday,ka dibna nala ku amray inaan ka guurno gurigeenii, markii aan diidnayna waxaa noo yimid askar waxaa ayna burburiyeen gurigeenii. waxaa ayada oo dhawacay xabsi loo qaaday hooyaday, aabahayna meeshii uu ka shaqan jiray ayaa loogu tagay oo xabsi loo qaaday, ma jirin dad iyo dawlad soomaaliyeed oo ka danqaday dhibaatada nagu dhacaday, kadib waxaa ii suurta gali wayday inaan ku sii noolaado soomaaliya, waxaana u baxsaday dalka kenya anoo dhalaan ah, mudo kadibna waxaana uga sii gudbay afrikada dhexe, iyo koofur afrika, mudo markii aan ku noolaa waxaan ogaaday in dalkii soomaaliya uu ii dheemo afrikada kale, maxaa yeelay waxaa ay iga dhigeen ajnabi, mudo ka dib waxaan ku soo noqday soomaaliya balse kama helin cadaalad, oo miishii aan tagaba danbiile ayaan ahaa, mar labaad ayaan isaga soo tahay soomaaliya oo waxa ku soo noqday africa, mudo kadibna waxaa ii suurta gashay inaan imaado qarada america, kadib waxaan isbadal ku sameeyey nolashaydii.

 Arinta mucjisada ugu noqotay ee maskaxdayda  ka go,i wayday ee aan kala kulmay dalka canada ayaa ahayd markii gaari aan watay uu gadaal Uga dhacay gaari kale, goobtii uu shilku ka dhacay waxaa yimid askari police ah aniga oo ad u naxsan, askarigu waxaa uu i waydiiyey sharcigaygii iyo kii aan gaariga ku waday, markii aan siiyeyna waxaaa uu ku noqday gaarigiisii, anigu markaas waxaan is lahaa koley xabsi waad galaysaaye ma 10 sano ayaa lagugu xukumi doonaa mise 20 sano, maxaa yeelay waxaan ahay nin ka yimid meel aan laga aqoon cadaalad, mudo yar ka dib askarigii ayaa igu yiri isbitaal ma u baahan tahay, anoo xanuunsan baa iri maya, waxaa uu ii dhiibay war qad waxaana uu igu yiri caymiskaaga wac gaariga ha kuu sameeyaane, waxaan ku iri danbiga aan galay intee le,eg yahay , waxaa uu igu yiri danbi ma lihid ee waa lagaa gardaran yahay, arintaas ayaa igu noqotay mid ay naftaydu qaadan wayday, maxaa yeelay waligay ma arkin qof gartayda isiiya, si kastaba aha noqtee hadana si wayn ayaan u jeclahay dalkii soomaaliya ee aan ka soo jeedo,balse canada waa miishii igu horaysay ee noloshayda aan ka helo gar cadaalad ah, ugu danbayn umada soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay ka fogadaan cadaalad darada daashatay , ilaahayna waa inay ka cabsadaan oo u naxaan dadkooda iyo dalkooda.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :