asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

xisbiyadu maxay ka badali karaan qabyaalada

xisbiyada iyo qabyaaladaDalka soomaaliya waxaa looga dhawaaqay oo la diiwaangaliyey 8 xisbi siyaasadeed, nadaamkaan xisbiyada badan ayaa ah mid aan horay uga  jirin dalka soomaaliya, nadaamkaan xisbiyada ayaa loogu talagalay in meesha looga saaro ku dhaqanka qabyaalada, hadaba suurta gal ma tahay in nidaamka xisbiyadu ay ku dhaqmaan soomaalidu, meeshana ka saaraan qabyaalada? aniga sida ay ila tahay qabyaalada soomaalidu waa ka wayn tahay wax lagu dabaqo xisbi, soomaalidu qabyaalada waxaa ay ka gaartay meel aad u saraysa, soomaalidu ma ahan dad karti u leh dad wixii ay ku heshiiyaan fulin kara, mana ahan dad u hogaansama sharciga, mana ahan dad isu tana sula, habka ay u wada nool yihiin soomaalidu ayaa ah mid ku salaysan qabyaalad iyo sida loo kala awood badan yahay, soomaalida waxaa xukumi kara aawood ay lafahooda uga baqaan, hadii aad taariikhda soomaalida dib u jaleecdo dadkii soo xukumi jiray soomaalida ayaa ahaa dad ku  gacan bir ah qaban jiray, hadii aan u soo noqono xisbiyada looga dhawaaqay soomaaliya %10 ayaa laga yaabaa inay qabyaalada hoos u dhigto, laakiin xisbiyadu waxaa ay meesha ka baxayaan markii ay laba ruux isqabtaan, in xisbiyadu aysan ka suurta galayn dalka soomaaliya waxaa marqaati ka ah halka uu maray xisbiyadii ay samaysteen qaar ka mid soomaalida ku dhaqan gobolka  waqooyi galbeed, xisbiyadaas ayaa xiligii doorashada mar qura isu badalay qayaalad iyo yaa reer hebel ah, in kastoo ay ahaa yeen dad isku qays ah hadana goboladaas kama aysan shaqayn nadaamka xisbiyada,hadaba soomaaliya oo ay wali ka muuqaan nabaradii colaadii sokeeyo oo u baahan in la dhayo hadana soomaalidu uma diyaarsana inay isu samraan ama isu garaabaan, soomalidu %70 waa kala oodan yihiin waxaana yar is aaminkoodii, hadii labaaro waxa soomaali dhexyaala ma ahan wax sidaas u sii qaymo badan, laakiin wax dhexyaala soomaalida ayaa ah wax uu jaahin iyo tuug iyo gacmo shisheeye ay furaheeda ahayaan, waxa soomaalida dhexyaala waxaa hagaajin kara dad soomaali ah oo aqoon leh, ugu danbayntii umada soomaaliyeed waxaa lagu hagaajin karaa in jahliga lagala dagaalamo , lana baro aqoonta noocyadeeda kala duwan.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :