asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

aadan bare waxba laga waydiin maayo xuduuda soomaaliya

aadan bareSoomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan.) maah maahda ujeedadeeda ayaa ah qofka doqonka ahi inuusan lahayn wax  anfac ah, shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka NFD ee ay kenya gumaysanaysay mudada dheer in tooda badan waxaa ka muuqda  waxyeelo dhan walba ah oo ka soo gaaray gumaysiga,  shacabka reer NFD intooda badan waxaa daashaday gumaysiga foosha xun ee ay kenya ku hayso, qaarkoodna waxaa ay noqden doqomo,in kastoo aan ognahay  in shacabka reer NFD ay ka xun yihiin dhibaatada uu gumaysigu ku hayo hadana waxaa jira shaqsiyaad uu gumaysiga u adeega oo ay ka lun tuntay shaqsiyadii.

Dawlada  wareersan ee kenya oo mudada dheer gumaysanaysay gobolka soomaaliyeed ee NFD ayaa hada u talowday dalkii soomaaliya ee xorta ahaa,  dawlada kenya oo xudeedkeedu ku eg yahay magaalda mwing oo nairobi u jirta 170km ayaa hada doonaysa inay xuduud been ah kasamysato dalka soomaaliya, dawlada wareersan ee kenya ayaa istustay in soomaaliya ay kala daadsan tahay oo aysan lahayn awood ay isaga celiso, dawlada kenya ayaa ku dhiiratay inay darbi ka dhisto gudaha soomaaliya,hadaba  soomaalidu waxa ay tiraahdaa (fulay aan dagaal galin geesi ayaa la mooda) kenya waligeed dagaal magalin oo waa jiir haan ku waynaaday, ma filayo in kenya ay maalin galinkeed ay dalkooda ka difaacan karaan ciidamada soomaaliya,waxaase laga yaabaa in dawlada kenya ay isku halaynayso ingiriis iyo faransiis ,

Hadii aan u soo noqdo ujeeda qoralkayga waxaa idaacadaha ka hadlay mid ka mid ah doqomada reer NFD oo lagu magacaabo aadan bare ducaale, doqonkaas ayaa sheegay inay kenya ay ku saxsan tahay darbiga ay ka dhisayso dhulka soomaaliya, hadii aan u dhabagalay ninkaas hadaldiisii  waxaan u qatay inuu yahay doqonkii uu nabi muuse habaaray, aadan bare waa nin asaga iyo eheladiisu ay ku jiraan gumaysi, waa nin aan martidiisa iyo ubadkiisa aan magan galinkarin, waa nin ku hoosnool luflufka ay reebaan sawaaxilku, gaarmuu gaaray aadan ducaale inuu ka hadlo xuduud soomaaliyeed, umada soomaaliyeed waxaa ay ka fakarayaan sidii cadowga looga xoraynlahaa gobolka NFD, aadana waxaa uu ka baqayaa inuu waayo luflufkii sawaaxilka, waa kaaf iyo kala dheeri, soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (bareey iyo barow waa isku baadi maqan yihiin) hadaba fartiinta aan kuu dhiibayo ee ad u gaynayso sawaaxilaga ayaa ah, kenya yeysan ku riyoonin inay qaadato nus mitir ay leedahay umada soomaliyeed, hana ogaato xudeedeeda kenya inay tahay mwing, waxaana aad aqbali doontaan markii aan isfarasaarno. halkaan ka daawo magaalada uu ka soo jeedo doqonka aadan bare daawasho wacan

wariye xuseen xasan nakuru

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :