asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

afrikaanku ayagoo ooyi ayey dhashaan ayagoo ooyi ayey dhintaan

afrikaankuDadka madow  badankood ee ka soojeedaan qaarada afrika ayaa u badan dad aan dunida ku haysan wax raaxo ah, dadka frikaanka ah intii ay dunida joogaan waxaa ay ku dhamaytaan nolol aad xun, qofka afrikaanka ahi waxaa uu dhashaa asaga oo aad u booyaya, waxaana uu dhinataa asaga oo ilmaynaya oo aad u calool xun oo murugaysan, waayar yahay qof  afrikaan ah oo dunida korkeeda raaxo ku haysta, hadaba maxay tahay dhibaatada dunida taala oo ku kooban afrikaanka?, marka hore dadka afrikaanka ah waxaa uu ilaahay ugu deeqay dhul barwaaqo ahoo aan la siin umado kale, afrikaanku waxaa ay leeyihiin  badda iyo baruuha bariga aduunka u qaalisan, waxaana ka buuxa khayraad aad u badan, afrikaanku waa arkaa barwaaqa taala dhulkooda laakiin waxaa ka maqan habkii ay uga faaiidaysan lahaayeen, afrikaanku meel uu dunida ka joogaba waxaa ay shaqo ka dhigteen musuqmaasuq iyo wax isdabamarin, qaarada afrika waxaa ay caan ku tahay in madaxdoodu aysan u nixin  shacabkood, musuqmaasuqa daashaday shacabka ku dhaqan qaarada africa waxaa uu sababay in malaayiin ruux oo afrikaan ah inay isaga caraan dalalkoodii, shacabka africa waxaa nolosha wadamdooda ka doorbadeen inay u tahriibaan meel walba oo dunida ku taala, malaayiin shacab afrikaan ah oo ka baxsanaya nolol xumada ka jirta africa  ayaa tahriib ku tagay qaarada yurub, malaayiin ruux oo afrikaan ah ayaa badaha ku qaraqmay,  kumaankum afriakaan  ayaa lagu haystaa liibiya,  qaarna sida xoolihii ayaa lagu kala iibsadaa, si kastaba ha noqotee qofka madow ee afrikaan ah inta uu dunida joogo rajo lagama qabo inuu raaxo indha saaro, noloshiisa waxaa uu ku dhamaysanayaa murugo iyo calool xumo, si kastaba ha noqotee laftigaygu waxaan ahay qof madow oo afrikaan ah oo ka soo jeeda qaarada afrika, intii aan ku noolaa qaarada afrika waligay ma arkin qof ii cadaalad  fala, intaan ka ahayn labadaydii waalid ee i dhalay, markii aan soo qaangaray bulshada dhexdeeda waxaan ka noqday danbiile, waxaan sanado badan ahaa dulmane hadana dhibane, hadaba wixii dulmi ahaa ee igu  qabsady qaarada afrika kumaankun page kuma soo koobi karo, ugu danbayntii dunida waxaa ugu nasiibdaran qofka madow ee ka soo jeada qaarada africa.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :