asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

ceeb la share gareeyo yaa caado laga dhigtay

qurbajoog qaribanBaryahaan dane waxaa internerka ku soo batay dad soomaali ah  oo cadaystay inay bulshada u soo bandhigaan waxyaabo aad u xun xun oo wax u dhibaya dhaqanka iyo diinta islaamka, dadkaan ayaga ah ayaa ceebaha ay soo bandhigeen ku doonaya inay ku helaan xogaa shilimaad ah, waxaana ay bulshada ka codsadaan in loo share gayreeyo xumaantooda, waxaana u share gareeya dad badan oo soomaali ah oo la mid ah ayaga, video yada ay soomaalidu ugu daawashada badan yahay ayaa ah kuwo ay ka buuxaan ceebaha iyo anshaxxumada iyo qabyaalada, soomaalida ku taxan internetka ayaa %90 waxaa ay u adeegsadaan si khaldan, soomaalida intooda badan internetka ma soo galiyaan wax anfac u leh bulshada, dad badan oo soomaali ah oo markoodii hore ahaa dad cawaan ah oo hada magaalooyinka soo galay ayaa ku qaribmay internetka,  waxaana ay run u qaateen habka qaldan ee ay dad xuni adeegsanayaan internetka, dadka qariban ee soomaalida ah ee internetka soo galiya xumaanta iyo ceebaha ayaa markoodii hore waxaa ay  qarin jireen wajiyadooda waxaana ay ku xiran jireen maryo , laakiin hada ayaga oo aan isqarinayn ayey xumaant lasoo hortaagan yihiin bulshada, waliba caay iyo cawradooda ayey soo galiyaan internetka,

Hadaba dadka u bareeray inay si xun wax ku raadiyo waxaa ka sii daran qofka xumaanta u share garaynaya, waana isku danbi labadoodu, dabagal badan oo samaynay ayaan ku soo ogaanay dadka waxa xun xun faafiya iyo kuwa share gareeya inay yihiin dad ilaahay ka furtay oo mar hore nolosha ka dhacay oo aan wax qiimo ah aan dunida ku lahayn, dhanka kale dad badan oo soomaali ah oo faafiya sawirada iyo videoyada  xunxun ayaa isu haysta inaan lala socon oo aan la qoon, waxaa xaqiiqo ah in la yaqaano qof kasta oo internetka soo gala, waa la yaqaanaa qofka daabacay videoga iyo qofka soo diray iyo halka laga soo diray iyo  ip addreskiisa iyo magaciisaa oo sadexan iyo taleefankiisa, iyo magacaaga  hooyadiis, iyo emailkiisa iyo baabuurka uu raacdo, iyo meelaha ay joogistiisu u badan tahay, iyo saaxiibada, iyo maqaayada uu cuntada ka cuno, hadaba waxad ogataan inuusan jirin cid aan lala socon dhaqdhaqaasiisa iyo waxa uu shanta kula jiro, hadii lagu soo raadsho  wax ka yar 10 daqiiqo aayaa gacanta lagugu dhigi karaa, waxaana tirada ku darsataa in mustaqbalkaagu ku jiro mudi, oo waxa xun oo aad shanta kula jirto ayaa sababi kara inay marto noloshasha qafiifka ah ee kugu jirta, si kastaba ha noqotee umada soomaaliyeed waxaan ka waaninyaa inay ka fogaadaan waxyaabaha xun xun ee internetka la soo galiyo, hadii ay sidaas yeelaan waxaa ilaahay idin siin doonaa mustaqbal wanaagsan , waxaana uu ilaahay idinka cafin doonaa  wixii aad horay ufasheen, waxaa la idiinka baahan yahay inaad naftiina xakamaysaan, waana inaan xariga u jartaan sharwadayaasha ka buuxa internetka, waana inaadan waligaa shere garayn wax aan anafac u lahayn umada soomaaliyeed iyo kuwa dunida kunool. ugu danbayntii  wixii aad ogaataa wixii aad  shere garayso waa wax aad raali tahay. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :