asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

diinta islaamka iyo quraanka ilaahay ayaa xafiday

 quraanka all xafidayDunidaan aan ku nool nahay markii uu ilaahay dadka ku abuuray  waxaa uu soo raaciyey kutub ay ku qoran yihiin diin dadka lagu barayo xaqa iyo jidka wanaagsan loogana reebayo xumaanta, kutubtaas waxaa loo soo dhiibay rusul dadka baraya diinta, aduunyada waxaa timid afar kutub oo ay ku qoran tahay diimaha kala ah (tawreed) (injiil) (zabuur)iyo(furqaan) , sadexd ka mid ah kutubtaas oo kala ah tawreed iyo injiil iyo zabuur waa la nasaqay, waxaana laga soo reebay diinta furqaan oo ah diintii u danbaysay ee lagu nasaqay diimaha kale ahana diinta islaamka , waxaana diintaas furqaan ay aadanu  ka dhaami doonaan ilaa qiyaamaha laga gaaro, mana jirto diin ka danbaysa oo dunida imaan doonta, diinta islaamka waxaa ilaahay ku soo dajiyey nabi muxamad csw, diinta islaamka iyo quraanka kariimka ah ilaahay ayaa balan ku qaaday inuu ilaalin doono, mana jiro cid wax u dhimi karta ama wax ka badali karta, dad badan ayaa isku dayey inay wax ka badalaan laakiin waa ku hugoobeen, ilaahay subxaana watacaalaa ayaa quraankiisa ku sheegay oo yiri إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ aayadaas oo umacnaheedu tahay ilaahay oo yiri anagaa dajinay quraanka anaga ayaa xafidayna, waqtigii uu quraanku soo degay waxa lagaa joogaa 1439 sano ilaa maanay oo ah 2018 waa la waayey dunida qof quraanka xaraf ka jara ama ku dara ama si qaldan ugu dhawaaqa, maxa yeelay ilaahay ayaa ilaaliya qutaanka oo  balan ku qaaday inaa  cidina u dhawaan karin, gaaladii carbeed ayaa waxba ka badali waayey quraanka oo waliba ku qoran afkooda carbeed.

Hadaba baryahaan waxaa dunida ku soo batay dad badan oo isku dayaya inay diinta islaamka wax ka badalaan ama ceebeeyaan, waxaan aragnay kuwo masaajido u dhistay inay diinta islaam ugu gafaan, waxaan aragnay rag badan oo jameeco ah oo haweeney ka dhigatay  iimaan tujiya, waxaan aragnay dad wadaado sheeganaya oo quraanka u aqrinaya si qaldan, quraanku waxaa uu ku soo degay afka carabiga, xarafwalbana  hadii aad ugu dhawaaqdo siduu u qoran yahay si ka badlan waxaa uu yeelanayaa macne kale, hadaba waxaana rabaa inaad ila aragtaan kooxdaan  wadaada islaamka u eg iyo wadaadka tujinaya iyo quraanka uu aqrinayo,  quraanka uu ninkaasu aqrinayo aad iyo aad ayuu iila qaladan yahay, mana ahan mid sax ah, ninkaasu xarfo badan oo quraanka ah ayuu sidii ay u qornayd  si ka badalan ugu dhawaaqay, aad iyo aad ayaana ula yaabay nin kaas, waxaa laga yabaa ninkaasu iyo raga la jooga ay yihiin dad loogu tala galay inay qoraanka qalqal galiyaan, subxaana laahi bal ila dhagaysta ninkaan quraanka uu aqrinayo sida uu u qaldan yahay. daawasho wacan.

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :