asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

maxay ku kala duwan yihiin unisom iyo unitaf

nabad ilaalintaHadii aad maqashaan dal dhumay iyo dad jabay waa dal ay ciidan u yihiin dad shisheeye, soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (geed kaafog kuma dhaxan tiro), tan iyo markii ay dhacday dwladii dhexe ee soomaaliya 1991dii dalka soomaaliya waxaa uu soomaray marxalado kala duwan oo aad u fool xun, dhibatadii dalka soomaaliya ka socotay waxaa  hurinayey dad shisheeye oo aan gacal u ahayn umada soomaaliyeed, 1992dii waxaa dalka soomaaliya ku soo duulay ciidamo shisheeye oo ka kala yimid africa iyo asia  iyo yurub iyo amarica iyo austaralia, ciidamadaasu waxaa ay sheegeen inay yihiin kuwo nabad ilaalin ah laakiin waxaa ay ahaayeen ciidamo danahooda ilaashadayaal ah,dawladaha soo diray ciidamadaas waxaa ogaayeen in dalka soomaaliya uu yahay mid dahan oo uu ka buuxo khayraad badan , ciidamaasu waxaa ay dalka soomaaliya ka gaysteen tacadiyo lama ilaawan ah oo ay marqaati ka ahaayeen shacabka soomaaliyeed, ciidamadaasu waxaa ay boobeen hanti qaran oo aad u badan oo taalay soomaaliya, bililiqo dhanwalba ah ayey u gaysteen wax walba oo yaalay dalka soomaaliya, waxaan hubaa oo aan goob joog u ahaa ayaga oo ciidamadaasu ay maraakiib ku raranaya ciid aad u badan oo habeen iyo maalinba ay gurayaan baabuur waawayn oo iska rogayaal ahaa oo ay dibada kala yimaadeen, waxaan goob joog u ahaa ayaga oo diyaarado  aerocoptero ah  ku dadaaminaya dhagax waawayn oo ay ka keeneen  buuro ay qarxiyeen, ciidamdaasu waxaa ay wateen kumankum shirkadood oo maafiyo ah, kumaankum maraakiib kaluumaysi ayey wateen ciidamaadaasu, wadamadii xiligaas soomaaliya u soo diray ciidamada waxaa u suurta gashay inay helaan malaayiin dollar oo ay ka bililiqaysteen soomaaliya, wadamadaas qaarkood goobo badan oo ay horay ugu ogayeen macdan iyo shidal ayaa sumado cusub u samaysteen, ciidamadii danaystayaasha ahaa ee 1992dii qabsaday dalka soomaaliya waxa ay shacabka soomaaliyeed kula kaceen dil iyo dhac iyo kufsi joogto ah, qiyaasta dadka soomaaliyeed ee ay dhibaateeyeen ciidamadaasu waxaa lagu qaiyaasaa inay ka badan yihiin 5000 800 kun oo soomaali ah,  calool xumadii u darnayd ee ay ciidamadii  unitaf ka gaysteen soomaaliya ayaa ahayd markii markab  buuxa oo caruur soomaaliyeed ah ay kala tageen dalka soomaaliya, hadaba dawladahii shisheeye waxaa ay ku hashiinwaayeen sida ay u qaybsanayaan khayraadka soomaaliya, 1995tii isaga baxeen soomaaliya ayagoo wax walba ay qabyo ka yihiin, waxaase aysan la socon in dalad walba ee soomaaliya ciidan u dirtay w lahayo wixii ay gaysatay  dalka iyo dadka soomaaliyeed,waana lagula xisaabtami doonaa.

Marlabaad waxaa dalka soomaaliya ku dhacday nasiibdaro labaad, 2007kii waxaa dalka soomaaliya ku soo duulay ciidamo shisheeye oo afrikaan ah oo la magac baxay amisom, ciidamadaas ayaa la rumaysan yahay inay yihiin ciidamo dhamaystiraya hawshii ay ka tageen ciidamadii unitaf,ciidamdaan ayaa lagu sheegay inay yihiin nabad ilaaliyayaal,balse waa dantooda  ilaashadayaan, ciidamaasu waxa ay qaadeen jidkii ay qaadeen jidkii ay qadeen ciidamdii unitaf, ciidamadasu waxaa ay shacabka soomaaliyeed kula dhaqaaqeen dil iyo dhac iyo kufsi iyo tacadiyo kale oo badan, ciidamadaasu waxa ay bililiqo ugu dhaqaaqeen khayraadkii yaalay dalka soomaaliya, kumaankum maraakiib ah oo kaluumaysi ah ayaa baddaha soomaaliya xaaluf ka wada, ciidamdaan africanka ah waa ciidan calooshooda u shaqystayaal ah waxaa ay waardiye u yihiin shisheeyaha dalka soomaalida  bililiqaysanayo, dhaqaalaha ku baxa ciidamdaas waxaa laga soo saaraa dalka soomaaliya, 600 oo shirkadood oo maafiyo ayaa ku jirta baddaha iyo bariga soomaaliya, 18ka gobol ee soomaaliya waxaa ka socda hawlo khas ah oo ay shisheeyuhu ka wataan oo aan soomaalida waxba laga ogaysiinayn, badda iyo bariiga soomaaliya waxaa is qabsaday ciidamo shisheeye oo howl gooni ah ka wata soomaaliya, dekadaha iyo garoomada diyaaradaha waxaa ka dhoofa khayraad aad u abadan oo la soo bililiqaystay gudaha soomaaliya, waxaana gudaha soomaaliya la soo galiyaa wax badan halis ku ah dalka iyo dadka soomaaliyeed, ciidamadaan shisheeye ee xooga ku haysta soomaaliya waxaa ay suurta galiyeed in xeebaha soomaaliya ay noqdaan goob caalumku isaga soo fugeeyo qashinka sunta ah, xataa hada waxaa qashinka haraadiga surna neuklerka lagu xabaalaa bariga soomaaliya, hadba ciidamadaan jooga soomaaliya looguma talagalin inay qof soomaali ah wax taraan, waxa loo samaystay in shacabka soomaaliyeed lagu boobo khayraadka dalkood, in qaramda midoobay aysan soomaaliya ka rabin wax caaqibo ah  waxaa marqaati ka ah markii ay xabashi u soo dirtay soomaaliya, si kastaba ha noqotee dalka soomaaliya waa lagu soo duulay, waxaana ku soo duulay  gumaysigii cadaa ee reer yurub, shacabka soomaaliyeed ayaa laga rabaa sidii ay isaga qaadi lahaayeen reeryada foosha xun ee gumaysiga reergalbeedka, ugu danbayntii dhamaan dawladaha soomaaliya u diray ciidamada iyo inta dawladood ee ku lug leh qalalaasaha soomaaliya wixii ay gaysteen waa lahayaa waana lagula xisaabtami doonaa. by xaashi

shacabkii soomaaliyeed waxaa lagaliyey gumaysi qaawan,

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :