asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

Qof aadan huridoonin ha iska halayn

soomaaliSida xaqiiqada ah dadka soomaaliyeed waa dad aan sina u kala maarmin, dadka soomaaliyeed  waa dad isku af ah isku dhaqan ah isku diin ah, iskuna dabeecad ah, dadka soomaaliyeed waa dad si fudud isku fahma , waa dad wax is tara, waxaase dadka soomaaliyeed  aad loogu xantaa inay u badan yihiin dad aad u fudud, waana mida keentay in dad badan ay si ka fiirsasho la,aan ay wax u haleeyaan, qalalaasaha iyo colaadaha ka jira soomaaliya dad badan oo soomaali ah ayey noloshooda dhibaato badan ku keentay, dadkaas oo si qaldan wax u qaribay,dad badan ayaa si arxan daro ah ula dhaqmay dad ay wax dhexmareen, dadkaas oo aan marnaba ku fakarin in la heshiindoono, dad badan oo soomaali ah ayaa hada waagu ku baryey, hadaba waxaad ogaataa waxa manatay dhacay in bari laga heshiin karo.

waxaa jira dad badan oo soomaali ah oo gaystay jariimooyin xun xun ka dibna nabsigii hoos geeyey dhibanihii , waxaan goob joog u ahaa nin mudo hore kufsaday haweeney ka dibna asaga oo aan is ogayn u soo gole fariistay gabadhii ay dhashay haweeneydii uu kufsaday, ka dibna ceeb kala cala cararay goobtii, waxaan u soo taagnaa nin qoys uu dad ka laayey asaga oo indhoole ah  mutaystay , waxaan aragnay dad badan oo soomaali ah oo ka caagay inay dhexgalaan bulshada sababo danbiyo ay galeen, waxaa loo baahan yahay inaad ka fiirsato wax kasta oo aad samaynayso, waxaad ogaataa in qofka aad maantay wax u dhinto in laga yaabo inaan bari mutaysato, haku fakarin in noloshu ay tahay maantay oo kaliya, wixii xun ee aad manatay samayso barito ayey ku horyaalaan.

Aadanuhu hadii uu meel kuwada nool yahay waxaa khasab ah inay wax badan dhex marayaan, dadka qaarkiis  waxaa ay wax ku xaliyaan inay wax dilaan ama wax sixraan ama ay qofka ku sameeyaan wax noloshiisa dhaafiya, soomaaliya waxaa ka dhacday  qof laga dilanayo boos uu ka shaqaynayey, waxa dhacday in siyaasad la isaga soo horjeedo ay keento dil, waxaa dhacda in dhaxal la isku dilo, waxaa dhacday in la isku dilo arimo ganacsi ,waxaa dhacday in arimo guur la isku dilo, wixii dhacay oo xumaan ahaa kuwii dhigay waxaa ay ku danbeeyeen  shalaay, hadaba dadka soomaaliyeed ha ogaadaan wax kasta oo aad samaysaan inay saamayn ku yeelanayso noloshaada danbe, walaalkaa ha u dilin wax laga heshiin doono,wixii idinka horyimaadaa waxaa loo baahan yahay inaad ku xalisaan  wax aan ahayn inaad wax dishaan, maxaa yeelay bari ayaa laga heshiinayaa, ugu danbayntii qofka soomaaliga ah ee aad dishay ama aad wax u dhibtay waxaa hubaal ah inuu yahay qofkii bari dalka kula difaaci lahaa, wa qofkii aad cadawga ka dugsan lahayd, waa qofka laga yaabo inaad bari mutaysato asaga ama faraciisa. soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (laf aan la tuuri doonin feenta lagama dhameeyo)

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :