asmaul-husna waqtiga-salaada1-
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

xilahaaga xogtaada ha wada siin

xilahaaga xogtaada ha siinLabada ruux ee dadka isugu dhow ayaa ah labada ruux ee is qaba ee labka iyo dhadiga ah, labadaas waxaa ka aasaasma qoyska waxaa ay isaga dhaw yihiin dadka is dhalay iyo kuwa isla dhashay, waxana ilaahay ku sheegay inay isu yihiin (هُنَّ لِبَاسٌ لَّكُمۡ وَأَنتُمۡ لِبَاسٌ لَّهُنَ) ayaadaas oo macnaheedu yahay inuu qofba qofka kale uu u yahay maradii uu isku asturayey, macnaha waxaad halkaas aad ka garanaysaa in laba isqaba ayaa yihiin labo ruux oo cid walba isaga dhow, labada is qaba ee labka iyo dhadiga ah mid walba waxaa uu rabbi siiyey xigmad iyo haybad iyo masuuliyad gooni u ah, raga waxaa ay masuul ka yihiin dumarka ay qabaan,الرجال قوامون على النساء  dumarka laftigoodu waxaa ay masuul ka yihiin gurigooda, rabigay saga ayaa jideyey sidaas wax walbana asaga ayaa nooga aqoon badan.

Hadaba qoraalkayaga ayaan rabaa inaan ku eego qoys burburka badan ee soomaalida ku badan, baaritaan badan oo aan samaynay ayaa ku soo ogaanay ciladaha keena qoysku burburka soomaalida ay masuuliyadeeda lee yihiin ragga qaarkiis, qoys burburka badan ayaa loo aanaynayaa  ragga soomaaliyeed oo xogtooda dhabta ah wada siiyo xaasaskooda. waana mid qalad aad u wayn ah,  waxaad ogaataa hadii haweenayda aad qabto ay ugaato xogtaada hoose uu yaraanayo farxadii qoysnimo ka dibna uu bilaabanayo nacayb, hadii aan sharaxaad ka bixiyo fahanka qoraalkayga ayaa sida tan ah, haweenku wax badan ayey ka aqli yar yihiin ragga, haweenkana waxa lagu tiriyaa caruurta, soomaaliduna waxa ay tiraahdaa (haweenku waa saqiir qoobwaayeel leh) sida xaqiiqada ah haweenku waa indha ku garaadle, haweenku kama fakaraan waxa soo socda. waxaana ay wax ku qaybsadaan waxa markaas taagan, hadii haweenayda aad qabto ay ogaato inaad tahay qof aan dhaqaalo lahayn ama jiroole ah ama aad mar walaba u sheegtid xogtaada rasmiga ah waxaa khasab ah inay ku nacayso kadibna waad isku dhacaysaan, waxaana ay isku dayeysaa inay  kaa dal doorsato, waxaana ay kugu bilaabaysaa dagaal iyo ifur iyo kuma rabo, haweenku waxaa ay wax ku leeyihiin inaadan marwalba u sheegin xaqiiqa rasmiga ah, hadii aadan dhaqaalo hayn waxaa lagaaga baahan yahay inaad u sheegto in dhaqaale badan uu meel ka sugayso, waqti dhawna waa imaan doono, hadii aad xanuunsan tahay waxaad u sheegaysaa in daawadaydii la helay oo aad bogsoon doonto,, marwalba oo aad haweenaydaada lahadlayso wax aad u sheegayso ha noqdaan wax aadan noloshaada ku liidayn, waxaad tiraahdaa dayuurado ayaan rabaa inaan mardhow  soo iibsano, hadii aad rabti inaad yeelato xilo labaad ha isku dayin inaad kala tashato xaaskaagii hore, maxaa yeelay haweenku tala ma lahan, haweenkana waxaa laga abuuray feer qaloocan. xaaskaaga waa inaadan kala tashan wax dhaafsiisan caruurta iyo guriga.

Marka aan sidaas lee yahay ma ahan inaan leeyahay wax ha loo dhimo haweenka,  xilahaaga wax dhibaato ah uma gaysan kartid, xilahaaga nafteeda iyo maalkeeda iyo maankeeda waxba uma dhibi kartid, xilahaaga waa inaad ka ilaalisaa wax kasta oo nafteeda halis galin kara, balse meesha aan ka hadlayo ayaa ah talada iyo xogta hoose aad la yeenasayso xilahaaga, waa inuu ragu ka fogaadaa inuu wax walba banaanka soo dhigo, waa inuu ninku ka faaiidaystaa xigmada iyo caqliga uu ilahay ku abuuray, ninkuu waa inuusan xilihiisa talo u dhiiban, laakiin waa la tashan karaa, ninku waa inuusan marka hore ku raacin tala ay xilihiisu u soo jeediso, hadiise ay tahay talo wanaagan mardanbe ayaad qaadan kartaa, hadii sidaas layeelo waxaa meesha ka baxaya qoysburburka badan ee soomaalida dhaqanka u noqday, ugu danbayntii qoraalkaygu ma ahan mid aan ku aflagaadaynayo dumarka ee waa mid aan u arkay inay daawo u tahay dhaqanka iyo taranka qoysaska soomaaliyeed.

by xaashi

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :