asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

Beesha jareer wayne ma ahan sida ay wax u dhiga yaan

baantooBilahan danbe beesha jareerwayne waxaa ka soo yeerayey hadalo kharaar oo ay umada soomaliyeed aad ula yaabeen, hadaladaas oo aan lagaranayn cida ay u la jeedaan, beesha jareerwayne ayaa sheegtay inay soomaali dhibaato ka tirsanayaan, hadaba yaa soomaali ah?,yeyse yihiin beesha jareerwayne? soomaali ma dalka ayaa la yiraahdaa mise dadka?, xageese soomaalidu ka yimaadeen?,soomaalidu ma dad wada dhashaybaa mase waadad isu yimid?, jawaab ,soomaali waxaa la yiraahdaa dadka degan soomaaliyaa, dalkana waxaa layiraahdaa soomaaliya, dadka soomaaliyeed ma ahan dad wada dhashay ee waa dad isku yimid, waxaana ay ku walaalooben dalka soomaaliya,

Beesha jareerwayne miyeysan ka mid ahayn beelihii loogu yimid soomaaliya, miyey san ahayn lafdhabarkii soomaaliyeed, beesha jareer wayne miyeysan ahayn kuwii u soo halgmay xoriyadii soomaaliya, beeshu miyeysan ahayn kuwee cadowga ka difaaci jiray dalka soomaaliya, goorma ayey beeshu ka baxday soomaalinimadii, beeshu miyeysan ahayn beesha degan dhulka ugu barwaaqada badan soomaaliya, beeshu miyeysan ahayn beeshii ka qayb qaadatay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay soomaaliya, beeshu miyeysan ka mid ahayn beelaha u tirada badan beelaha soomaaliya, goorma ayaa beesha jareerwayne kaligood la dhibaateeyey, dhibaatadii ka dhacaday dalka soomaaliya miyey ka ligood ku dhacday.

waxaan qabaa beesha jareerwayne inay u dhibyaraayeen marka loo eego beelaha kale ee soomaaliya degan, tan iyo markii ay dhacaday dawladii dhexe ee soomaaliya beesha jareer wayne waxaa ay waday hadalo qalafsan oo been abuur ah oo cuqdad kala galinaya umada soomaaliyeed, soomaali badan oo ka mid ah beesha jareer wayne ayaa dibadaha ka wada xasarad iyo dulmi ay isaga horgaynayaan shacabka soomaaliyeed, waxaana ay cuqdad kala galiyeen ubadka dalka u soo koraya, waxaa xumaan loo furtay talefishino iyo bara bulsho oo ay ku kulmaan beeshu, hadalada ay isdhaafsanayaan ayaa ah mid ay ku hurinayaan colaad sokeeye, hadii aan soo qadano allaha u xariistee wiilkii jareerwayne ee lagu dilay kismayo beeshu dad iyo dibad wixii ay uga hadleen ma ahan mid aan ku soo koobo karno halkaan, beelaha kale ee dega kismayo maalin iyo habeenba waa la dilee mana jirto cid aflagaado intaas le, eg gaysata, si kastaba ha noqotee beesha jareerwayne waxa ay hada iila muuqdaan kuwo u diyaansan colaad sokeeye, sida ay u hadlayaana waxaad moodaa kuwo hamuun u qaba colaal, waxaan lee yahay beesha jareer wayne ha noqonina kuwii yiri (hunduree hadaan kooynay) , horay ayaa loo yiri colaad wiil ayaa ku dhintee wiil kuma dhasho,  beesha jareer wayne wixii ay nabad ku wayday dagaal kuma helayso, kuwa fidnada ka wada ingiriiska iyo maraykanka waxaan idin lee yahay ha wasaqaynina maskaxda caruurta iyo haweenka.

ugu danbayn umada soomaaliyeed waa ka bixi doontaa dhibaatada ay ku jirto maantay, dalkuna waa dagi doonaa, qofwalbana waxaa lagula xisaabtami doonaa wixii xumaan ah ee uu gaystay, soomaalina waa hal qabiil oo layiraahdo soomaali wayn.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :