asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

dhul la gato amni lahelo ayaa ka horeeya

qurba-joogtii-oo-cabirat-dhulkii-e148220445784710kii sano ee u danbaysay waalida u badan ee soomaalida haysay ayaa ah dhul iibsi iyo dhulboob, qofkasta oo soomali ahi waxaa uu u xusul duubay inuu yeesho dhul iyo guryo uu khaas u lee yahay, qof walba waxaa uu weerar ku qaaday halka ugu dhow ee uu ka heli karo  boosas waawayn oo uu qaarna dhisto qaarna iibsado, soomaalida intoodii badnayd waxaa ay weerar ku qaadeen dhulalkii dawlada soomaaliya lahayd, qaarkood waxaa ay dad danyar ah ka xoogeen boosaskoodii qaarkood guryo laga maqan yahay ayey ku habsadeen, qaarkood dhulkii xoolaha ladaajin jiray ayey ooteen qaarkood  waxaa  ay gooyeen jidadkii la mari  jiray, waalida soomalida waxaa ka faaiiday dalaaliin iyo tuugo iyo gudiga garsoorka, soomaaliya dacwada u badan ee hada laqaado ayaa ah dhul la isu haysto.

kumaankum ruux ayaa  isku wada haysta dhulal si qaldan loo kala iibsaday,, waxaa jira hal boos oo 30 qofood laga iibiyey, dhulka la isku haysto inta badana waxaa ka dhashay gacan ka hadal dhaliyey inuu dhaco dagaal ay dad ku dhinteen,

waalida soomaalida haysa ayaa ah majiro qof ka oo ka fakaray mustaqbaka  dhulka ay iibsanayaan amaankiisa ,qofkasta oo soomaali ah oo dhul doon ah  hadii aad waydiiso sida uu yeelayo dhul uga iibsayo waliba asagoon haysan amaan la isku halaynkaro  waxaa uu kuugu jawaabaayaa markii dalku dago ayaan dib u iibsan doonaa, majiro qof ku fakaraya inuu maalgaliyo dalka kana dhiso mashaariic hormarineed, hadana dhibaatada lagu arkay dadka dhulka soomaaliya ka iibsanyaayaa ah ma mijiro hal qof oo taageesan dawlad soomaaliya ka dhalata, dhamaantood waa wada mucaadar dawladdiid ah oo wada inkaarqaba,

soomaalida qaarkeed waxaa ay guryo ka gateen wadamo shisheeye sida kenya jamaica itoobiya angola uganda rwanda tanzania iyo wadamo kale oo aad u badan, waxaa jira kuwo badan oo guryihii ay iibsadeen intuu anfici waayey oo hadana iska sii iibinaya, si kastaba ha noqotee soomaalidu waxaa hada wada haysa waali aan daawo lahayn ,waxaana ay u wada xusulduubayaan inay dhul helaan dhul danwalba ha ka lahaadeene,  qurba joog badan ayaa ku qasaaray dhulal badan oo ay ka iibsadeen dalka soomaaliya,  waxaan arkay dad badan oo isugu faanaya dhul ay ka soo ooteen soomaaliya,  qurbajoogta intooda badan ma oga xaqiiqada ka jirta soomaaliya,warka ay helaana ma dhaafsana bbc iyo voa iyo facebook, intooda badana waa xaga maskaxda ka xanuunsanaya  oo ay  hadan dhaafeen ubadkoodii,waxaana ay madadaalo jogto ah ka dhigteen qabyaalad iyo dawlad la mucarado. qurbajoogwalba oo soomaali ahi waxaa uu kuu sheegayaa wax ku salaysan qabyaalad iyo  wax la qiyaano.

ugu danbaytii dhul laga iibsado soomaaliya waxaa ka horeeya in amni la helo, amnigana waxaa ka horeeya in la helo cadaalad. cadaaladana waxaa ka horeeya in la helo cidii fulin lahayd, hadaba hadii aan la helin dad nadiif ah oo u istaaga samata bixinta dadlka iyo dadka soomaaliyeed ma filayo inuu dalka soomaaliya ka soo baxayo godka uu ku jiro.

by xaashi

 

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :