asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

duco waalid qofkii qaba dalka iyo dadkuu anfacaa

wadaniyiinta soomaaliyeedDadka ilaahay abuuray waxaa ugu khayr badan qofka maqluuqa wax tara shartiisana laga magan galo, dadkana waxaa u shar badan qofka afkiisa iyo adinkiisa laga nabadgali waayo, qof  khayrka qaba waxaa uu ilaahay waafajiyaa jirka wanaagsan, waxaana uu marwalba ka shaqeeya wanaaga iyo maslaxada dalka iyo dadka, dalka soomaaliya waxaa intii mudo ah ka jiray qalalaase siyaasadeed oo ay dabada ka riixayaan umado shisheeye, waxaa jiray dad badan oo soomaali ah oo siyaasiin sheeganaya oo ku dhagaroobay arimaha soomaaliya, qaarkood waxaa ay sameeyeen taariikh aad u xun oo aan waligeed ka go,ayn maskaxda iyo maanka soomaalida, qaarkood waxaa ay waligood ka shaqaynayeen wanaaga dalka iyo dadka soomaaliyeed, marwalba shacabka soomaaliyeed waxaa ay indhaha ku hayaan waxa ka jira dalkooda hooyo, maxaa yeelay waxaa ay jeclaan lahaayeen inay helaan nabad iyo nolol  iyo dawladnimo, waxaa jira soomaali siyaasiin sheeganaya oo markii la maqlo magacooda iyo muuqooda iyo codkooda aad looga naxo, kuwaas ayaa ah kuwo lagu bartay fidno iyo qaran dumisnimo iyo qabyaalad iyo khayr daro, waxaa jira dad badan oo soomali ah oo siyaasiyiin iyo waxgad isugu jira oo markii la maqlo magacooda muuqooda iyo codkooda ay umada soomaaliyee ku wada farxdo, shacabkuna kama dhargaan dhagaysigooda, dadkaasi waa kuwa had iyo jeer muujiya wanaaga, waa kuwa ka shaqeeya inay shacabka tusaan wanaaga, waa kuwa farta ku fiiqa cadwga duminaya dalka soomaaliya, waa kuwa diida dulmiga, waa kuwa aan ka daalin dhaliisha caddawga soomaaliyeed, waa kuwa cod iyo calaf waixii ay heli karaan aan ka hagran umada soomaaliyeed.

Hadaba laftigaygu waxaan ka mid ahay shacabka soomaaliyeed, mana ahi qof xil ka haya dawlada soomaaliya mana ahi qof xil ka doonaya soomaaliya, waxaanase aduunyada u jedlahay inaan arko dawladii soomaaliya hagaagtay iyo dalka soomaaliya oo d ay nabadi ka dhacday, hadii aan arko shaqsi soomaali ah oo ka shaqanaya xumaan iyo qabyaalad iyo dawlad diinimo aad iyo aad ayaan uga naxaa, mana jecli inaan qofkaas dib dan be u arko, waxaana ka magal galaa shartiisa, hadii aan arko qof soomaali ah oo u ololaynaya dhismaha dawladnimada iyo amaanka soomaaliya aad iyo aad ayaa ugu farxaa ka dibna anoo sujuudsan ayaan rabigay uga baryaa danbidhaaf iyo caafimaad iyo cimri dheer iyo xilo wanaagsan iyo awlaad baari ah iyo dhaqaalo wanaagsan, hadaba hada waxaa jira dad badan oo soomaali ah oo marwalba codkooda ku muujiya hadal wanaagasan, shacabkana ku baraarujia wanaaga ay leedahay  kal danbaynta iyo dawladnimadu waxaana ay dheer ku diidaan musuqmaasuqa iyo dulmiga, dadkaasu waxaa ay isugu jiraan siyaasiin waxgarad nabadoono culumo macalimiin wariyayaal abwaano sawirlayaan hooyooyin gabdho iyo wiilal dhalinyaro iyo waayeel, dadkas wanaaga ka shqeeya ayaa ah kuwo qaba duco waalid, waana dadka loo baahan yahay inay hogaanka u qabtaan dalka iyo dadka soomaaliyeed. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :