asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

heestii qaribnayd ee barbar xagee maraysaa ?

DAALIMIIN DULI AHHeesta barbar waxaa ay ka mid tahay heesaha caadiga ah ee ay ku luqeeyaan fanaaniinta soomaaliyeed, balse heestaan ayaa wadata ficil uu fanaanku istuurayo balse dadku ay si qaldan u isticmaaleen, dad badan oo dhagaystay heestaas ayaa fanaanka uga dayday ficilkaas, dad badan oo soomaali ah ayaa ficilkaas u adeegsaday siyaabo qaldan, waxaan aragnay dad badan oo  siyaabo kala gadisan isu tuuraya, dad badan oo si xun isu tuuray ayaa waxyeelo ka soo gaartay, intii dad istuurayey waxa iila xumaa kuwii ayaga oo iska dhigaya kuwo salaad jameeco ah tukanaya oo markii ay maqleen heestii barbar marqura iswada tuuray, kuwaasi waxaa ay ku jeesjeeseen  cibaadadii rabbigay, afartaan nin ee salaada ku ciyaaraya ayaa ah kuwo munaafiqiin ah oo aan lahayn wax diin ah iyo wax dhaqan ah, heesta barbar dad badan ayaa dhaqan xumo u adeegsay, waxaan aragnay dad waawayn oo qaarkood walidiin yihiin oo dhinac isu wada tuurayo, ceebo aad ubadan ayaa ka muuqday dadkii soomaalida u badnaa ee dhinaca isu tuurayey, hadab waxaa is waydiin leh ma dadka ayaa xun mise heesta barbar ayaa xun, anigu waxaan qaabaa dadka istuuraya ayaa ah kuwo dulaysan oo marhore sharaftoodii iibsaday, fanankana waa uga ciyaareen heestiisii, waxaana ay u soo jiideen cambaarayn farabadan oo uga timid bulshada kala duwan sida culumada iyo waxgaradka iyo aqyaartsa iyo marwooyinka , waxaan qabaa inuusan fanaanku dad ku oran barbar isu tuuran, balse waxaa ay uga daydeen ficilkiisii, heestaan barbar waxaa ay banaanka soo dhigatay soomaalida kuwii ugu dulinsaa, ismana lahayn waligay dad baa hees darteed salaad ugu ciyaaraya, si kastaba ha noqtee fanka iyo suugaanta iyo hidaha iyo dhaqan soomaaliyeed aad ayaa loogu baahan bahan yahay, laakiinwaxa reeban in fanka loo adeegsado dhaqan xumo iyo in loogu gafo diinta sharafta badan ee islaamka.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :