Dad badan oo soomaali ah ayaa caadaystay inay aflagaado joogto ah u gaystaan hadba qabiilkii ay doonaan, dadkaas qabiilada caaya ayaa iila muuqda kuwo aan qiimo lahayn oo caqligoodu yar yahay hadan xaga maskaxda ka jiran, waxaad ogaataa inaan qabiil caay waxba loog qaadi karin,mana jiro qabiil wada xun ,dhanka kale mana jiro qabiil wax walba ku midaysan, mana jiro qabiil soomaaliyeed oo xumaan isku raacsan, qabiil walba oo soomaali ah waxaa ku jira dad xun iyo dad fiican,sida sheekh iyo shariif iyo waxgarad iyo siyaasi iyo nabadoono iyo akhyaar iyo marwooyin iyo mudanayaal iyo tuug iyo daalin, hadii shaqsi soomaali ah wax idin dhexmaraan ma ahan inaad caydo qabiilka uu ka soo jeedo shaqsigaas, waana kuu doqonimo, qofkii qabiil caaya waxaa uu la mid yahay qof badwayn ku kaadshay, cayda afkaaga ka soo baxda dadna waa kugu dirtaa dadna kaama celiso, qofkii qabiil caaya doqonimadiisa ayaa la ogaaday laakiin cidna waxba uma dhimin, majirto qabiil soomaali ah oo ceeb leh, mana jirto qabiil soomaali ah oo qabiil kale sareeya, waxaa jir dad soomaali ah oo qaab haybsooc ah loogu gafa, waana arin gardaro ah oo aan geed loogu soo gaban, majiro qabiil soomaali ah oo ka wanaagsan qabiil kale oo soomaali ah, soomaalidu waa dad qabiilo ah oo siman oo ilaahay ku abuuray geeska africa, in hab qabiil wax loo dulmiyo waa xaaraan mana jirto meel ay dunida sharci ka tahay , isticmaalka qabyaalada soomaalida ayaa ah mid had iyo jeer salka ku haysa in wax lagu dulmiyo, qabiilka macnihiisu waa in la isku aqoonsado oo kaliya si qaraabada iyo dhaxalka loogu aqoonsado. laakiin ku dhaqanka qabyaaladu waa wax aad u xun , si kastaba ah ahaatee in soomaali mar walba qabiil wax lagu halayso waxaa ka dhashay in mudo nus qarni ah ay ciqaab aduunyo ku jiraan, ugu danbayntii hadii aysan soomaalidu ka tanasulin qabyaalada iyo qabiil cayga waxaa ay ku danbayndoonaan halka ay maantay taagan yihiin meel ka sii xun. by xaashi
