asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

maxaa ka jira in xabashi ay qalbi dhagax soo hubaysay

qalbidhagaxWararka naga soo gaaray gobolka soomaali galbeed ayaa sheegaya in dawlada xabshidu ay qorshaynayso dulaan uu hogaaminayo qalbidhagax ay ku qaado dalka soomaaliya, xiriiro aan la samaynay ehelada qalbidhagax ee ku sugan deegaanka wardheer ayaa noo xaqiiye in qalbidhagax uu waqtigaan ku sugan yahay hoteel ku yaala deegaamadaas, waxaana uu kulamo is daba joog ah la qaadanayaa saraakiil xabashi ah, in kastoo aanaan hubin warkaas hadana arintaas waxaa cadayn u ah rag badan oo ka tirsanaa ONLF oo horay looga soo dhiibay xabashiaa ayey degaamadii laga soo dhibay ay dib ugu hubaysay , dhowr nin oo onlf ahaa ayey dawlada jabuuti u soo gacangalisay itoobiya, isla markiiba xabashidu dadkii lagu soo wareejiyeywaxaa ay siisay hub iyo ciidan waxaana ay u dirtay deegaamada ay degan yihiin dadka soo jeeda jabuuti waxaana ay ku samyeen xasuuq aad u fool xun, ONLFtii hargaysa laga dhiibay ee itoobiya loo gacan galiyey dib ayey ugu soo hubaysay waxaana ay xasuuq balaaran u gaysteen degaamada ay gobolka soomaaligalbeed ka degan yiahiin dadka kasoo jeeda hargaysa, kuwoo garoowe laga dhiibay sidoo kale ayey itoobiya ugu soo hubaysay deegaamada ay degan yihiin, deegaamada galmudug sidoo kale dad onlf ah oo ay itoobiya u gacan galiyeed eyey dib ugu soo hubaysay waxaana loo gaystay xasuuq aad u badan,  ciidanka leyuu bolicku waa ciidan loo sameeyey xasuuqa shacabka soomaaliyeed, fikrada lagu sameeyey ciidanka leyuu boliceka waxaa iska lahaa cadowgii baqtiyey ee meles, hadaba maxa diidaya in xabashidu ay qalbidhagax u adeegsato xasuuqa shacabka soomaaliyeed, si kastaba ha noqtee hadii ay xabashidu soo hubayso qalbi dhagax ma samayn doono wax ka badal wixii ay sameeyeen ragii onlfta ahaa ee lagu soo hubeeyey walaalahood soomaaliya, ugudanbayntii magaalada nairobi waxaa ka socda xabaashii lagu ridi lahaa jabhada gobanomadoonka soomaali galbeed ee ONLF, jabhada xabaasha waxaa u qoday dawlado shisheeye, iilkana waxa dhigaya gabre iyo cabdi iley, ciidana waxaa ku rogaya odayaal reer garissa ah oo aan waligiid xornimo arkin.

wariye xalane  deegaanka feer feer

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :