asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

ugaartii africa oo god koodii biyo ugu soo galeen

ugaartii africaMagaalada nairobi ee dalka kenya waxaa lagu dilay ninkii u ololayn jiray badbaadinta ugaarta africa, ninkaas ayaa horay u soo bandhigay ugaarta africa ee sida sharci darada ah looga ganacsado, ninkaan oo lagu magacabo Esmond Bradley Martin ayaa si wayn uga soo horjeeday ugaarsiga  foolka maroodiga iyo wiyisha, waxaana uu ninkaanu banaanka soo dhigay dadka iyo dawladaha sida sharci darada ah u ugaarsada maroodiga  iyo wiyisha africa, dawladaha sida joogstada uga ganacsada ugaarta africa ayuu ku sheegay inay yihiin China, Vietnam, africa waxaa hada gabaabsi ku jira ugaar fara badan oo ay markii hore  hodan ku ahaa qaaradaas, ugaarta laga baqayo inay africa ka dabar go,do waxaa ka mid ah maroodiga  wiyisha shabeelka iyo haramcadka, dad badan oo african ah ayey shaqo u noqotay inay ugaarsadaan maroodiga iyo wiyisha, kuwaa soo dhaqaalo ka hela muqalasiin u adeega dawladaha dhoofsada foolasha ugaarta, layntaa ugaarsiga sharci darada ah waxaa ku lug leh masuuliyiin isugu jira wasiiro iyo siyaasiyiin iyo saraakiil  afrikaan ah,dhanka kale dadka afrikaanka ahi ma arkaan faaiidada ay ugaartu u leedahay dalka iyo deegaanka, dadka afrikaanka ah waxaa haystaa gajo ka dhalatay musuqmaasuq ka jira degaanada ay ku noo yihiin, dalka soomaaliya horay ayey  uga qaxeen dhamaan ugaartii joogtay, waxaana  ay baryahaan iib ku heleen diindiinkii, kasoo orod meel ku gari waayey soomaalida, diinka ayaa la sheegayaa in ganacsi looga helay wadanka shiinaha, si kastaba ha noqotee ninkaan lagu dilay nairobi ayaa dilkiisa loo aanaynayaa dadka ka shaqaysta ka ganacasiga foolka maroodiga iyo wiyisha , dilka ninkaan  waxaa uu jawaab u yahay sida loo doonayo in lagu xaalufiyo ugaarta qaarada africa.

xuseen xasan busia kenya

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :