asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

wadaad xume warkiisu waa la jiifiyaana banaan la jooji yaana banaan

khfdfwadaad xumeQaska qalalaasaha mudada dheer ka socday soomaaliya waxaa uu saamayn ku yeeshay dhaqankii iyo diintii iyo afkii iyo jinsiyadii iyo dadnimadii iyo damiirkii, iyo garashadii iyo ficiladii iyo wax walba oo ay soomaalidu dhaqan iyo hido u lahayd, dadka soomaaliyeed shayga ugu wayn ee lama taabtaanka ah ee ay haysato kuna dhaqmi jirtay ayaa ahaa diinta islaamka, waana mida kaliya  ee ay soomaalidu u hayaan xurmada, umada soomaaliyeed waa dad wada muslimiin ah waana dad diinta islaamka si wanaagsan u yaqaana , dalka soomaaliya waxaa uu ka mid dalalka  saldhiga u ah diinta islaamka, dadka soomaaliyeed waxaa ay lee yihiin malaayiin culumo ah oo si wayn u baratay cilmiga diinta islaamka, umada soomaaliyeed dhamaantood waa dad wada suni ah kuna dhaqma madhabta shaaficiyada, wixii ka danbeeyey 1970kii waxa dalka soomaaliya yimid kooxo wadaado ah oo wata caqiidooyin ka badalan kii ay soomaalidu ku dhaqmi jirtay, waxaana ay markiiba ka horyimaadeen caqiiqadii shaaficayada ahayd  ee ay ku dhaqmi jirtay umada soomaaliyeed, waxaa ay olole ku qaadeen culumadii dadka bari jirtay diinta islaamka, waxaa ay laayeen culumo iyo caamo badan oo ahlu dariiqo ahaa, markii danbana waxaa ay gaalaysiiyeen qofkii aan ayaga ka tirsanayn, markii danbana waxaa ay xalaal sadeen dhiiga iyo maalka muslimiinta, markii danbana qaraxyo ayey ku ekeeyeen dalkii soomaaliya, dadkiina waxaa ay ka dhigeen mid ay dilaan iyo mid ay gacmaha iyo lugaha ka jaraan iyo mid ay qaraxyo ku xiraan, kuwa waxaas samaynaya waxa ay sheeganayaan inay yihiin dad muslimiin ah, balse waxaa ay yihiin khawaarij. waxaana ay ka been sheegeen xaqiiqada diinta islaamka, axaadiistii nabiga csw iyo aayadihii quraanka ayey ka qaloociyeen macnahoodii waxana ay u fasireen sidii ay doonaan, ayaad walba iyo xadiith walba waxaa ay u adeegsadeen dano gaar ah oo ay leeyihiin, wadaadadasu si  khaldan ayey dadka ugu fadwoodeen, dad badan oo caamo ah ayey maskaxdoodii qaribeen waxana ay ku shubeen wax qaldan, waxaa ay dhaliyarada galiyeen jihaad jeebkooda ah, wadaadada intaas oo jariimo ah u gaystay dalka iyo dadka soomaaliyeed waxaa taageeraya dawlado shisheeye oo dano badan ka leh dalka iyo dadka soomaaliyeed, wadaadada bariga dhexe laga soo ababulay ee dhibaatada dalka iyo dadka soomaaliyeed u gaystay  waxaa ay soomaaliya dhaxalsiiyeen in ciidamo shisheeye yimaadan, dhanka kale dhamaan wadaad xumayaashu waxaa ay gacanta ku dhigeen dhaqaalihii umada soomaaliyeed, dhamaantood waa ganacsato waxaana ay haystaan maalgalin shisheeye, kuwaas lama oran karo waa wadaado , fadwada ay jeedinayaana lama qaadankoro, si kastabaha noqotee dhamaan culumada soomaaliyeed waa naqaana mid walba taariikh nololeedkiisii iyo halka uu ka biyacabo, soomaaliduna waa dad si wayn isu wada taqaana, wadaad walba wixii uu qaribay iyo fadwadiisii wa duuban tahay ,waxaa jira wadaadxuma yaal ka danbi badan abuumaansuur, ugu danbayntii ma doonayno inaan cidna halkaan ka magacawno laakiin soomaliduwaxa ay tiraahdaa fulay xantiis ma mooga, waxaan filayaa inay is og yihiin  wadaada diinta sida khaladka u faafiya, hana ogaadaan in lagula xisaabtami doono wixii dhibaato ah ee ay u gaysteen dalka iyo dadka soomaaliyeed.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :