asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

xumaan igu taageer waligiin ma aragteen

ceebaysaneBaryahaan danbe waxaa social media ha ku soo batay  malaayiin ruux oo soomali  ah  oo shaqo ka dhigtay  inay madiyaha soo galiyeen sawiro iyo video ay ugu tala galeen inay ku heelaan xoogaa lacag ah, dadkaasu madiyaha waxaa ay soo galiyaan waxyaabo inta badan xun iyo kuwo fiican, waxa ay soogaliyaan qofkii  fiirsada waxa  ay ka doonayaan inay u sameeyaan  afar waxyabood oo kala ah = share iyo like iyo  comment iyo subscribe,  markii aad u samayso  afartaas mid ka mid ah waxaa uu helyaan taageero badan ee oo ku xayeesiiyo waxyaalaha lagu xayeesiiyo google, dad badan ayaa  waxyaalaha lagu xayeesiiyo intenetka u furtay websidyo iyo facebookyo iyo youtubyo si ay lacag uga helaan. hadaba dad badan oo soomaali ah ayaa caadaystay inay social media ha soo galiyaan waxyaabo badan oo anshax xumo ah oo aan ku fiicnayn in la dhexkeeno bulshada dhexdeeda, dadkaasu waxaa ay mar walba soo bandhigaan  waxyaalo argagx leh  oo isugu jira sawiro xun iyo video xun, youtubka iyo facebooga waxaa caado iska noqotay  in soomaalidu ay youtubka  soo galeyaan muuqalo aflago loo gaysanayo qabiil ama shaqsi oo been abuur ah, waxaad arkaysaa qof soomaali ah oo  madiyaha ka hadlaya oo waxa uu ku hadlayo  ay yihiin ceeb iyo cay iyo been iyo wax isku dir, qofka noocaas ahi  dadka daawada xumaantiisa waxaa uu ka doonayaa inuu  u sameeyo  afarta aan kor ku soo sheegnay ee kala ah share iyo like iyo  comment iyo subscribe, hadaba qofkii u sameeya afartaas mid ka mid ah waxaa uu nqonayaa qof taageersan xumaanta , in kastoo aan og soonahay kuwa share gareeya wax yaabaha xunxun ee la soo galiyo baraha ay kulmaan somaalidu inay yihiin ajaanib afka soomaaliga baratay hadana waxaa jira malaayiin ruux oo soomaali ah oo nolosha ka dhacay,  waxaad arkaysaa mid soomaali ah oo dulaysan oo barta youtubka ka aflagaadaynaya umad soomaaliyeed oo hadana ay shere garaynayaan kumaan kum soomalli ah oo waliba ay amaan u qoryaan, si kastaba ha noqotee waxaan qabaa in soomaalidu ay ka fogaato waxyaalaha xunxun ee madiyaha la soogaliyo, waana inay xiriirka u jaraan shaqsiyaadka soomaalida ah ee nolol ka dhigtay inuu marwalba dad caayo, ugu danbayntii kuwa dadka soomaalida ah ee dadka caaya madiaya waxaan lee yahay waxaa tihiin  kuwo ayagu ceebaysan oo aduunka ku ceebaysan oo bulshada ku dhexceebaysan oo ilahay agtiis ku ceebaysan oo ceeb u soo jiiday wixii dhalay iyo wixii la dhashay aakhirana la tagi doona ceebta, ana waxaan lee yahay bulshada allaha idinka dhexwado.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :