asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

baarlamanka soomaaliya oo dalka mamnuucay shirkada dp world

baarlamaanka soomaliyaBaaralamaan ka soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucay shirkada maafiyada ah ee dp world, baarlamaanka soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah wax kama jiraan uga soo qaaday munafaqadii ay shirkadu ka samaysay  dekada barbara, baarlamaanka soomaaliya waxaa kale oo ay ka digeen shirkadaha aan ka diiwaan gashanay dawlada ee sida sharci darada ah ku jooga dalka soomaaliya, baarlamaanku waxa uu sheegay in shirkad iyo hayad iyo ururo aan dawladu ogayn inaysan joogi karin dalka soomaaliya, waxaa kale ee uu baarlamaanku digniin u diray maamulka wareersan ee emaretka, baarlamaanku waxaa uu uga digay  faragalin qaawan ee ay ku soo qaadeen dalka iyo dadka soomaaliyeed,

Qawlada yar ee emarate ayaa u jihaysatay inay ka shaqayso dhibato ay u gaysto shacuubta ku dhaqan bariga dhexe  iyo geeska afrika, dhaqaalo yar oo ka soo galay ceelal yar oo ku yaal dalkeeda ayey garan waawayeen si ay u isticmaalaan, kadibna waxaa ay go,aan ku gaareen inay lacagtooda ku fidneeyaan dunida intii ay gaari karaan, maamulka emareteka ayaa khalkhaliso badan ka wada yamen iyo qadar ,waxaana ay hada usoo gudbeen dalka soomaliya, talaabadii u horaysay ee ay qadeena waxaa ay noqotay mid ka fajacisay umada soomaaliyed, waxaa ay yiraahdeen dhamaan dekadaha soomaaliya waxaa la galaynaa heshiis 30 sano ah, markii xigtayna waxaa ay yiraahdeen itoobiya ayaa saami ku leh, markii xigtayna waxa ay yiraahdeen ma qoonsani dawlad soomaaliya, taasina waxaa ay hor u dhac u tahay sida ay maamulka emararku uga go,an tahay in tirtiraan qaranimada iyo magaca umada soomaliyeed, laakiin qaranimada soomaaliya waxaa tirtiri waayey umado  carab ka xoog badan kana caqli abadan kana siyaasad badan.

Shacabka soomaaliyeed meelwalba oo ay aduunka joogaan waxaa ay ku baarugeen gardarada ay  dawlada yar ee emaratku ku soo qaaday  dalka soomaaliya, si kastaba ha noqotee baarlamaanka soomaaliya ayaa maantay soo afjaray dulmigii ay emaraatku ka wadeen dekadaha soomaaliya, dhanka kale taariikha dunida horay looguma arkin  dawlada emaratku cid ay wax tareen, laakiin wa la arkay dad ay lugooyeen, soomaalidu waxaa y ku maahmaahda( nin hooyadiis qorax ku gawracay eedadiis geed hoos leh ma geeyo) ujeedada maahmaahdayda ayaa ah hadii ay emarate wax tar lee yahay waxa ay wax tari lahaayeen walaahood carbeed  ee ku dhamaanya bariaga dhexe, waliba ayaga ayaa wax ka laynaya,   ugu danbayn umada soomaaliyeed waxaan uga digayaa inaysan aaminin waligood dawlada carbeed, waa inaysan waxba ku darsan, waa inasan heshiis la galin, maxaa yeelay waa dad aan faaiido lahayn haba yaraatee oo aan hadan aqoon lahayn ka dibna  ku wareeray  dhaqaalaha alle siiyey sidii ay u cuni lahaayeen, waa in soomaalidu ogaataa in cadawgooda kowaad uu yahay dawladaha carbeed, taasna waxaa marqaati ah wixii ay horay noogo sameeyeen carabi iyo mida ay maantay ka wadaan barbara.

maxamad cali muqdisho

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :