asmaul-husna waqtiga-salaada1-
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

barbara ayaan layaabanaa ee maxaa ka dhacay balad xaawo

balad xaawoQofku hadii uu tabar yar yahay  waxaa maagaya cid kasta oo isu aragta inay ka xoog roon tahay, tabaryarida ka muuqata dalka soomaaliya waxa ka dhashay in cid waliba ay fuduuliso oo wixii ay doonto ku samayso dalka soomaaliya, 27 sano ha hor dalka soomaaliya waxaa uu ahaan jiray mid awood leh oo cid waliba ay lafaheeda uga baqdo,  dawladaha dariska la ah soomaaliya hawo kama gali jirin  in dalka iyo dadka soomaaliyeed wax u dhibaan,  waxaana ay wadnaha farta uga hayn jireen inay soomaaliya ku soo duuli doonto, sada xaqiiqada ah inta aysan soomaliya burburin  kenya iyo itoobiya amaankooda dibada waxaa  sugi jiray oo soomaaliya ka ilaalin jiray dawlado reer galbeed ah, hadaba maanatay xagee marayaa dalkii xooga waynaa  ee soomaaliya la oran jiray,?  dalkii soomaaliya waxa uu maryaa in dadkii iska lahaa ay baylihiyeen, kadibna ay cid waliba oo cadaw u ahayd umada soomaliyeed, waxaa uu marayaa dalkii soomaliya in shacabkii la dulaysto dhulkiina la qaybsado, dalkii soomaaliya waxaa uu u gacan galay xabashi oo mudo 800 oo sano ah dagaal kula jirtay umada soomaaliyeed,  uraago iyo kuukuuyo ayaa ku amarku taglaynaya  dalkii soomaaliya,  arinta naxdinta  ayaa ah markii ay kuukuuyo badihii soomaaliya bar gaasatay, waxaa kale oo ka yaab badan markii xabashi barbara ay qaadatay, waxaa ka sii danran markii ay kuuukuyo danbi ku la goysay  dhulkii soomaliyeed, waxaa kasii daran kukuuyo markii ay dhirtii soomaliya inata ka dhigtay dhuxul ay dibada u dhoofsatay,  waxaa ka sii daran markii ay kuukuuyo diyaarado ku garaacday shacabkii soomaliyeed, waxaa ka sii daran markii ay kuukuuyo kismayo gaysatay dabadhilyo u adeega, waxaa kasii daran markii ay kuukuuyo badihii soomaaliya ay galisay kambaniyo maafiya ah oo macdan ka guratay, xabashi iyo kenya markii ay ogaadeen in dadkii iska lakaa dalka soomaaliya ay  qaribmeen ayey ayaguna hawshoodii xumayd ka qabsadeen , hadaba hada maxaa ka jira deegaanka baladxawo ? degaanka baladxaawo waxaa ka jira duulaan gardaro  ah oo aan geel loogu soo gaban  oo ay kenya ku soo qaday, maamulka wareersan ee kuukuyada ee fadhigiisu yahay nairobi ayaa deegaanka baladxaawo ka wada dhisme balaaran oo ay ku kala jarayaan magaaladaas, shacabkii degaa balad xaawo ayey habeen iyo maalin weerar ku hayaan, waxaana ay degaanka baladxaawo geeyeen ciidamo badan oo kuukuyo ah oo ay ugu caga juglaynayaan shacabkaas,  waxaa kale oo ay deegaanka gobolka gedo ka burburiyeen dhamaan xarumihii shirkada isgaarsiinta, arinta ay kenya ka wado koofurta  soomaaliya ayaa ah mid halis ku ah  qaranimada soomaliya iyo nolosha shacabka degan gobolada koofureed , kenya waxaa ay ku xadgudubtay dalkii iyo dadkii soomaaliyeed ee xorta ahaa, kenya horay ayey dhibaato joogta ah ugu haysay shacabka soomaaliyeed ee ay gumaysato ee degan gobolka NFD, si kastaba ha noqotee  uraago iyo kuukuuyo waxaa lagula xisaabtame doonaa  dhibaatada ay kau sameeyeen dalka iyo dadka  soomaaliyeed, halkaan waxan ka cambaaraynaa falalka guracan  ee ay kenya ka wado badaha iyo bariga soomaaliya, umada soomaaliyeedna waxaa kula talinayaa inay dalkooda warabaha ka dhacsadaan. wariye xuseen xasan busia kenya

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :