asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

bareey iyo baroow waa isku baadi maqan yihiin

MASKAX KALA DUWANWaxaa aad u kala fog maskaxda iyo maanka shacabka ku nool bariga africa, waxaa aad u sii kala fog damaca  dawlada kenya iyo itoobiya ay ka lee yihiin dalka soomaaliya iyo soomaalidu waxa ay ka damacsan tahay kenya iyo itoobiya ,labadaan dawladood ee kala ah kenya iyo itoobiya ayaa u fakaray si qaldan, waxaana ay istuseen ayaga oo riyoonya in wixii ay doonaan ka samaysan karaan soomaaliya, marka danbana ay soomaaliya  qaybsan doonaan, damacooda lama aysan gabanin ee waxaa ay ku muujiyeen cudud milatary iyo duulaan dhanwalba ah iyo qoraalo badan oo xaga internetka ah oo ay ku muujiyeen sida ay uga go,an tahay damaca ka galay soomaaliya, kenya durba waxaa ay ku dhaqaaqday dhul boob balaaran, waxaa ay darbi ku gala goysay magaalooyin soomaaliyeed,waxaana ay sheegatay dhulbadeed balaaran oo ay soomaaliya leedahay, itoobiyana waxaa ay sheegtay inay wax ku leedahay dekada barbara, hadaba damaca kenya iyo itoobiya yaa halkaas gaarsiiyey ?sideese ku hawaysteen inay isku dayaan in dhulka soomaaliya ay qaadan karan, hadii aan ka jawaabo  suaalahaan – labada dawladoow waxaa maskaxdooda habaabiyey oo damaca beenta ah galiyey siyaasiin maafiyo ah oo reer galbeed ah oo dano dhaqaale ka leh soomaaliya, xabashi waa taqaanaa kulaylka soomaali laakiin waxaa ay ku soo daba gabatay carabta  emarate oo aan soomaali waxba ka aqoon, dawlada kenya ayadu waa jiir haan ku waynaaday, wali magaarin xanuunka soomaalida, soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa(libaax nin aan aqoon ayaa xoolo ka rita) kenya waxaa ay soomaali ka taaqaana qoxootiga  nairobi jooga  oo marki ay doonto ay xirxirto, balse xabashi iyo reer galbeed waa yaqaanaan xanuunka soomaalida, hadaba umada soomaaliyeed maxay ka damacsan yihiin kenya iyo itoobiya, caqliga saxda ah ee ay ku fakarayaan soomaalidu ayaa ah (1) inaya kenya iyo itoobiyaba qabsadaan, (2)inay hubka ka dhigaan (3) inay gumeeyaan (4) marka danbana ayaga oo  maxaabiis ah ay beeraha ku fashaan, fikirkaasna waa mida aan ku sheegay inuu aad kula badalan yahay caqliga iyo maanka ku jira shacabka ku dhaqan geeska africa, waxa jirta maahmaahda oranaysa (bareey iyo barow waa isku baadi maqan yihiin, si kastaba ha noqotee fariinta aan u dirayo kenya itoobiya ayaa ah/ marnaba ha ku fakarina inaad guul ka gaartaan dagaalka aad kula jirtaan dalka soomaliya, hadii ay idinla jiraan maafiyo reer galbeed ah umada  soomaaliyeed waxaa la jira ilaahii dunida iska lahaa, hadii soomaaliya dagaal iyo dulmi wax looga qaadi karo xabashi ayaa 800 sano dagaal kula jirtay soomaali ayadoo waliba ay maafiyo reer galbeed ah ay la jiraan balse waxba waa ka qadi waayeen dalka iyo dadka soomaaliyeed, ugu danbayntii waxaan lee yahay xulafada ku soo duushay soomaaliya ee isku jira carab iyo cajab waad ku jabi doontaan dagaalka aad kula jirtaan dalka iyo dadka soomaaliyeed.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :