asmaul-husna waqtiga-salaada1-
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

dadow kibirka iyo gardarda wa lagu kufaa

kibirkaWaxaan doonaynaa inaan wax yar iska waydiino  waa maxay waxa laga dhaxlo gardarada iyo kibirka, ilaahay subxana watacaalaa waxaa uu noosheegay waxkasta oo uu aadanahu sameeyo waxa ay ku danbayn doonaan, qofkii wax wanaagsan sameeya waxaa alle noo sheegay inuu abaalkeeda ku siin doono aduunka iyo aakhiro, qofkii wax xun sameeyana uu abaalkeeda ku siin doono aduunka iyo aakhiro, waxaa jira dad badan oo dunida ku nool oo aad u  kibray oo garan waayey in dunidaan uu rabbi iska lee yahay hadana uu asagu  maamusho, dadka soomaaliyeed ayaa ah dad ay caado u tahay inay kibraan hadana ay is gardaraystaan, dadka soomaaliyeed qaarkood kama fakaraan mustaqbalka uu la yahaykibirku waxa laga dhaxli karo gardarada iyo dulmiga, mida kale ladnaanta soomaalida waa uga dartaa, qofkii dhaqaalo yar xaysta waxaa uu isku dayayaa inuu wixiisa ku dulmiyo dad kale. horay ayaa soomaalidu uga maahmaahday oo waxaa ay tiri (soomaali saldano maxajiso),  hada ka hor soomaaliya waxaa ka dhacay  arin u baahan in lagu cimra qaato, waxaa jiray oday soomali ah oo lahaan jiray geel aad u badan iyo wiilal badan, odayga ayaa halqabsigiisu waxaa uu ahaa balaayooy toos, dhowrjeer ayaa laga waaniyey inuu iska dhaafo balaayada uu u yeernayo laakiin wa diiday, maalintii danbe ayaa geeliisii waxa dhacay dablay hubaysan, waxaana ay dileen wiilashi odayga mid  ka mid ah, odaygii oo guriga jooga ayaa maqlay in geliisii ladhacay wiilkiisina la dilay, odaygii baa si halhaleelha guriga u baxay asagoo wata qori, waxaa uu daba galay raadkii geelii laga dhacay, markii uu ku dhawaday geeliisii ayaa odaygii waxaa toogtay koox ka mid ah  dablaydii dhacday xoolihiisii ah oo raacdo reeb ah, kadib odayga ehelkiisii ayaa soo raadiyey waxaana ay u yimaadeen asagoo dhawac culus ah oo leh (balaayooy dan) halka uu markii hore ka dhihi jiray balaayooy toos,halkaas waxaad garanaysaa gardarada guuldarada ay leedahay, hadaba somaalida qurbaha ku nool  iyo kuwa soomaaliya ku nool waxaa ku soo batay dad gardaro badan oo si joogto ah uga shaqaynaya xumaan iyo dulmiga, kuwaasuna ma ahan kuwo  hadii la soo maago wax iska dhicin kara, mana ahan kuwo is difaaci kara xataa haldaqiiqo, waliba waa sii kala liitaan oo kuwa qurbaha ku noo ayaa ugu sii liito , dalimiinta qurbaha degan oo waxaa uu difaac ka dhiganayaan oo ay isku halaynayaan  awood dadkale lee yihiin, halka qofka jooga soomaliya uu gacantiisa iskudifaaci karo daqiiqado.

ujeedada qoraalkayga ayaa ah inaan umada oomaaliyeed uga digayo gardarada iyo dulmiga aan gabashada lahayn ee ay iskula kacayaan, qofkasta waa la og yahay wax uu shanta kula jiro , talaabo kasta oo aad qaadana ogow waa lagula qaadayaa, waxaana fiican inuu qof walba ka shaqeeyo sidii ii amaankiisa u sugi lahaa, hana la ogaadoo in qofwalba oo soomaali ah oo aduunka saaran in uu ku jiro guri muraayad ah, soomalida qofka kaliya ee ku jira guri shub ah ayaa ah qofka laga nabadgalo afkiisa iyo adinkiisa , qofkii doonaya inuu amaan ku noolaado dunida waa in marka hore asaga amaan laga helaa, hadiise amaan laga waayo waxaa dhacaysa inuu waayo noloshiisa aduunyo aakhirana uu cadaab ku dhaco, aamusnaanta qaarkeed ma wanaagan, waa inuusan qofku ka aamusin  difaacada dalkiisa iyo diintiisa iyo dadkiisa,  gardaradu waa mid aad shaqsi aan waxba kaa samayn aad ku dulminayso,ugu danbayntii  ragoow kibirka wa lagu kufaa kaas ha la ogaado,.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :