asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

danbiileyaasha oo garab iyo gaashaan ka dhigtay qab yaalada

danbiilayaal2-e1488000252993Dadka ku nool gudaha soomaaliya waxaa haysta dhibaato  guud iyo gaar ahaan, dadka soomaaliyeed dhibaatada guud ee haysa ayaa ah faragalinta shisheeysha uga imaanaysa, dhibaatada gaarka ah ee haysada shacabka soomaaliyeed ayaa ah mid aygu gacantooda isugu gaysanayaan,, hadii aan sharaxi faraglinta shisheeyaha ayaa mid ka hor imaanaysa qaranimada iyo dawladnimada soomaaliya iyo nabad ka dhacda dalka soomaaliya, faragalinta shisheeyuhu waxa ay u taagan tahay lugooyo ku dhacda dalka iyo dadka soomaaliyeed, dhibaatada gaarka ah  ayaa ah mid ay isku hayaan shacabka soomaaliyeed ayaa ah sida tan, shacabka soomaaliyeed waxaa ay dhaqan ka dhigteen oo ay aamineen wax la yiraahdo qabyaalad,  shacabka soomaaliyeed  wax walba oo ku saabsan wada noolaashahooda  waxaa ay ku saleeyeen qabyaalad, taasina waxaa ka dhashay in danbiilayaal badan ay  gabaad ka dhigtaan qabyaalad, danbiile kasta oo wax dhibaateeya  waxaa uu salka la galayaa qabyaalad, ku dhaqanka qabyaaladu waxaa ay keentay inay kobcaan danbiyada lagula kacayo shacabka soomaliyeed, magaalooyinka soomaaliya waxaa si xoh ku dhex jooga danbiilayaal waa wayn oo xasuuqay  shacab aad u badan, waxaana xorta ka dhigayna shatiga qabiilka ee uu huwan yihiin, qabiilada soomaaliyeed waxaa ay u istaageen inay habqabiil u difaacan danbiile kasta oo wax soo qariba, marar badan oo ay  laamaha  amaanku isku dayeen inay soo qabtaan danbiileyaal badab balse waxaa ka hor yimaadeen caqabado badan oo qabyaaladeed, askariga booliska hadii uu isku dayo inuu baaro danbi dhacay ama isku dayo inuu qabto qabto qof danbiile ah, danbiilihu markii uu ogaado in lagu soo maqan yahay waxaa uu abaarayaa qoyska uu ka soo jeedey waxaana uu u sheegayaa in lagu soo maqan yahay iyo askariga boliska ah ee ku soo maqan qabiilka uu yahay, ka dibna ergo ayaa loo dirayaa qabiilka uu askarigu ka soo jeedo  waxaana loo sheegayaa inay qabsadaan askarigaas hadii kale la dili doono,  askarigii oo hawshiisa wata ayaa waxaa u imaanaya odayaal ka socda qabiilkii uu ka soo jeedo askariga waxaana ay u sheegaan inuu dadka amaan siiyo, farahana kala baxo hawsha uu shanta kula jiro, halkaas ayuuna danbiilihii ku badbaadayaa, waxaana uu sii wadanayaa hawlihiisii halista ahaa, wadanka soomaaliya amaan iyo nabad ay helaan shacabka soomaaliyeed waxaa hortagan qabyaalad,  gudaha soomaliya waxaa ka dilaacay malayiin odayaal ah oo kaabo qabiilo ah oo la shaqaysta danbiilayasha arxanka daran ee ku sugan soomaaliya, odayaashaasu waxaa ay u taagn yihiin inay habqabiil ku difaacaan danbiile kasta wax soo haleeya,madaxwaynaha dalka u sareeya hadii uu isku dayo inuu wax saxo oday qabiileedyadu waa ka soo horjeedsanayaan  waxaana ay  la lee yihiin  qabiil ayuu u jeedaa, odayaashaasu waxaa ay la shaqaystaan kooxahaan danbiilayaasha ah, markasta oo ay hawl u qabtaan danbiilayaasha waxaa  ay helaan xoogaa lacag ah, hadaba waxaa muuqata in shacabka soomaaliyeed ay u afduuban yihiin dad ku shaqysta qabyaalada, hadaba suurta gal ma ahan in laga adkaado danbiilayaasha arxanka daran ee dhex hurda umada soomaaliyeed dhexdeeda, dhanka kale odayaashaan ku shaqaysta qabyaalada ma ahan kuwo ay soo doorteen  ama matala qabiilka ay sheeganayaan, waa kuwo xoog  isku boqray, waxgaradka  ka soo jeeda beelaha ay ka soo jeedaan odayaashaas qaribani ma jecla habdhaqankooda. si kastaba ha noqtee umada soomaaliyeed waligeed ma gaari doonaan wax horumar ah hadii aan meel la iska dhigin qaabyaalada iyo musuqmaasuqa .

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :