asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

imisa waji ayey argagixisadu ku laayaan soomaalida

maqaayada arfgagixisadaSoomaalidu waxaa ay argagixisada u yaqaanaan hal qolo oo ah kuwa miinada shacabka ku qarxiya ee shabaab, waxa jira argagixisokale oo  ka qatarsan kuwaans oo aadnaan ogayn, argagixisadu soomaalida waxaa ay kula dirirtay boqolaal waji oo kala gadisan, kooxaha argagixsadu soomaalida waxaa ay u dhex fariisteen dhiiga iyo dhuuxa dhexdooda sida shaydaankii, argagixisadu soomaalida waxaa ay u fariisteen jidkasta oo ay soomalidu nolol ka daydo , argagixisadu waxaa ay gacanta ku dhigeen dhamaan dhaqaalihii umada soomaaliyeed, waxaa kale oo ay gacanta ku dhigeen dhamaan ganacsigii soomaalida, waxaa ay gacanta ku dhigeen goobihii cibaadada , waxaa ay gacanta ku dhigeen dhamaan madiyihii soomaalida, waxaa ay gacanta ku dhigeen dhamaan isbitaaladii iyo xarumihii daawooyinka, waxaa ay gacanta ku dhigeen dadkii horumoodka u ahaa bulshada, waxaa ay gacanta ku dhigeen dhamaankii masiirkii umada soomaaliyeed, dal iyo dibad meel kasta oo aad ka tagto oo soomaali ku noo shahay waxaad ugu tagaysaa mid argagixiso ah oo hor taagan, argagixisadu dhamaantood waxaa ay ka midaysan yihiin sidii ay u baaran lahaayeen shacabka soomaaliyeed  kadibna ku dilil lahaayeen,

Maanatay waxaan qoraalkayga ku soo qadanaynaa mid ka mid ah dhibaatooyinka ay argagixisadu ku hayso soomaalida , argagixisada qurbaha joogta waxaa  goobaha ay soomalidu ku badan tahay ka fariisteen ka garacsiga maqaayadaha iyo goobaha cuntada lagu kariyo, maqaayadaha argagixisada waxaa lagu kariyaa raashin qatar ah oo qofkii cuna uu ku jiranayo, maqaayadaha argagixisada waxaa caado ah u h inay kariyaan hal nooc oo raashin ah, raashinkaas oo ah saliid iyo bariis iyo wax ay ku sheegeen hilib, raashinkaas ayaa ah mid la hubo qofkii cuna uu cudur mahane aan wax  caafimaadah aan galinayn, dadka soomaaliyeed ee qurbaha jooga ayaa aad ugu dhamaaday raashinhaas, waxaana ay ka qaadeen cuduro kala dawan oo ay adag tahay si daawadooda loo helo, saababta ka liftay in soomaalidu cuno u doontaan maqaayadaha argagixisada ayaa ah soomaalida waxaa caado u ah ayagoo arkaya maqaayad soomaali  inaysan galan maqaayad kale oo ajnabi lee yahay,maqaayada argagixisada waxaa lagu kariyaa cuno qofkii cuna uu cimri degdeg ku dhacayo, waxaa taas dheer argagixisadu waxaa ay qurbajoogta si toos ah uga iibiyaan xalwada taasoo ah mid uusan isticmaalkedu u wanaagsanayn soomaalida, waana shay la cuno midka ugu xun, xalwadu wax faaiido ah uma lahan jirka aadanaha,waliba argagixisadu aad ayey ugu xayeesiiyaan  bulshada cunista xalwada, sanad walba soomaalida degan qurbaha waxaa ku dhinta dad aad u badan oo soomaali ah,  cudurada u badan oo ay u dhinteen waxaa ay ka qaadeen maqaayadaha argagixisadu leeyihiin, kumaankum soomaali ah oo wax ka cuni jirtay maqaayadaha argagixisada ayaa la il daran xanuuno badan  oo kala duwan oo ay ku rideen, argagixisadaan furatay maqaayadaha waxaa ay qurbaha ugu nool yihiin si xirfadaysan oo aysan cidina fahmi karin, shacabkuna waa u hanuunsan yahay, dawladaha ay ku dhexnool yihiina waxaa ay isu tusayaan inay yihiin dad ganacsi haysta laakiin arinku sidaas waa ka fog tahay,danbiilyaasha argagixisada ah ee salka dhigtay meelba oo ay soomaali joogto ayaa ah kuwo ilaahay ka furtay oo aan lahayn wax naxariis ah, kuwo raashinka dhacay geeyanaya soomaaliya iyo ka ganacsanaya raashinka xun ee lagu kariyo maqaayadahooda ayaa ah kuwo aan isdhaamin, 1080 maqayadood oo argagixisada uga furan qurba  ayaa xisaabinay, dadka soomaaliyeed ee u dhintay ama ku xanuunsaday raashinkooda ayaan ku qiyaasnay inay ka badan yihiin 1,02000  oo ruux,\

si kastaba ha noqotee  umada soomaaliyeed waxaan ogaysiinaynaa inay argagixiasu bilaabeen inay kariyaan bariis caag ah si ay umada soomaaliyeed ay si degdeg ah  dunida uga dabar go, do, qandaraadkaas waxaa  argagixsada siiyey dawlado shisheeye oo danaynaya inay soomaali dalka iyo dibada ku yaraato, umada soomaaliyeed meelwalba oo ay dibada ka joogaan waxaan uga digaynaa cunista bariis  waana inay ku badlaan cunooyinka kale ee dunida yaala,   soomaalidu waainay bartaa cuniska kaluunka iyo isticmaalka qudaarta, soomaalida qofkii rajo iska leh waa inuu ka fogaadaa cunista xalwada,  soomaalidu waa inay barataan cabista caanaha, soomaalidu waa inay ka fogaataa rashinka uu ku badan yahay subaga iyo saliida, iyo cusbada, soomaalidu waa inay ka fogaadaan isticmaalka darooga noocwalba oo ay tahay, soomaalidu waa inay socodka badiyaan iskana daayaan raashinka u keenaya cayilka, soomalidu waa inay iska daayaan walwalka badan waxwalbana ilaahay u daayaa, ugu danbayn waxaan halkaan ka cambaaraynayaa maqaayadaha aragixisada uga furan bulshada soomaaliyeed dhexdeedaee lagu kariyo raashinka xun ee dilaaga ah, hadii warkaygu been yahay ha la baaro caafimaadkooda soomaalida wax ka cunta maqayadaha  argagixisada.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :