asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

kun sayid oo u kacaday dhulka soomaaliyeed

100 sayid maxamadTaariikhda dalka soomaaliya waxaa baal dahab ah uga jira halgmaagii  waynaa allha u xariistee sayid maxamad cabdile xasan , sayidku waxaa uu ahaa ninkii dalka soomaaliya kula diray umado shisheeye oo ku soo xadgudbay dalka iyo dadka soomaliyeed, sayid maxamd cabdile xasan waxaa uu halgankiisa ka soo bilaabay magaalada berbera soomaliya,  waxaana uu dagaal dheer la galay  gumaystayaashii talyaaniga iyo ingiriis iyo xabashi oo wada socda, sayidku waxaa been ka dhigay arimo badan oo ay gumaytayaasu ka damacsanaayeen dalka soomaaliya, allha u xariistee sayidku waxaa uu soomaalida gaarsiiyey inay noqdan dad laga haybaysto oo leh dal u gooni ah, sayidku waxaa uu ahaa ninkii u horeyey ee diiday in gumaysigi sidii uu doono ka yeelo soomaaliya,  intii uu sayidku la dagaalamayey gumaystayaashii reer yurub iyo xulafadooda waxaa sayidka dhabar jabinayey oo gumaysiga u adeegayey daalimiin soomaali ah, maantayna sidii oo kale barbara waxaa ku soo duulay gumaysigii oo shati kale gashan, waxaana la wadaa in barnamijyadii uu sayidku horay u laalay in laga hirgaliyo berbera iyo deeganada soomaalida oo dhan, gumaysiga cusub ee ku soo duulay berbera waxaa garwaden ka ah daalimiin soomaali ah, hadaba sayidkii hadii uu dhintay yaa difaaci barbara? nasiib wanaag waxaa hada dalka soomaaliya ka kacay kun sayid maxamad oo waaliba casri ah oo khibrad badan u leh sida loo difaaco dalkooda hooyo, allah u naxariistee sayid maxmad cabdile xasan ma dhiman oo wali waxaa shaqanaya wixii uu uga tagay soomaaliya, waxaa hubaal ah in wixii uu sayidku ku dhigay gumaystayaashii hore inay ka qaraaraan doonto waxa ay sayidyada cusub ku dhigi daan gumaysiga cusub, kunka sayid ee ay soomaaliya yeelatay dhamaantood waa wada hogaamiye, waxaana ay wataan ciidan carbisan oo yaqaana sida loo laayo cadawga, dalka soomaaliya waxaa hada ka bilowday kacdoon ka dhan ah duulaanka  qaawan ee lagu soo qaday dalka soomaaliya, qof walba oo saamaali ahina waxaa uu u diyaargaroobay sidii uu cadawga uga dhicin lahaa dalka soomaaliya, umada soomaaliyeedna waxaa dad kalsooni badan ku qaba inay ka adkaan doonaan kuwo ku fakaray inay ku xadgudbaan jiritaanka wadaneed iyo midka umadeed ee soomaaliya,  xabashi iyo reer galbeed waa ay yaqaanaa soomaali laakiin waxaana aqoon doqomada carbeed, waxan wacad ku marnay in khamiis badan oo dhiig leh ay doqomada carbeed kula noqdaan dalalkoodii. by xashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :