asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

qayladhan ka soo yeeraysa xawaladaha degan canada

xawilaadoShirkadaha xawaaladaha soomaalida ee degan dalka canada ayaa  sheegayaa inay bangiyadii canada ay joojiyeen wadashaqayntii ay lala lahaayeen xawaaladaha soomaalida, shirkadaha ayaa sheegaya in bank RBC oo ahaa bangigii ay macaamiisha lalahaayeen uu albaabda isu dhuftay a counadii xawaadaha soomaalida ee degan canada, arintaas ayaa walwal badan ku keen tay soomaalida badan oo degan dalka canada, shir balaaran oo ay isugu yimaadeen dhamaan xawaadaha soomaalida ee ka degan canada ayey ku muujiyeen inaysan garanayn si ay ugu sii shaqeeyaan bulshada soomaaliyeed maamdaama ay bangiyadii canada ay diideen inay la macaamilaan shirkadaha xawilaadaha, hadaba arintaan ay ku dhaqaaqeen bangiyada canada ayaa keeni doonta dhibaato balaran oo ku habsata malaayiin soomaali ah oo ku tiirsanaa dhaqaalaha ee yar oo ay u soo diraan eheladooda degan canada, lama garanyo sababta ka danbaysay in bangiyada canada ay joojiyaan wadashaqayntii ay la lahaayeen xawaalaha soomaalida, jaaliyada soomaaliyeed ee degan dalka canada ayaa arintaas walaac xoogan ka muujisay, shirkadaha xawaalaha soomaalida ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii ay qancin lahayeen bangiyada canada laakiin bangiyadu dhagaha ayey ka furaysteen, waxaana ay halkoodii ka sii wateen joojinta wadashaqanta xawaaladaha soomaalida, hadaba hadii ay arintaasu sii socoto  waxaa dhici doonta inay ka sii darto macluusha ka jirta soomaaliya.

shirkadaha xawaaladaha soomaalida ayaa bulshada soomaaliyeed u haya shaqo wanaagsan , waxaana aan ku tilmaami karaa inay yihiin halbowlaha nolosha soomaalida, xawaaladuhu qofkasta oo soomaali ah oo degan magaalada iyo mid degan baadiyaha waxaa ay fadhigiisa ugu geeyeen wixii ay u soo direen eheladiisu, xawaaladuhu waxaa ay laf dhabar u yihiin nolosha ka jirta soomaaliya, 27kii sano ee la soo dhaafay xawaaladuhu waxaa ay umada soomaaliyeed u qabteen shaqo wanaagsan, hadaba jaaliyada soomaaliyeed ee degan canada ayaa wada isu soo bax balaaran oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin talaabada ay qaadeen bangiyada canada, si kastaha ha noqtee ma ahan markii ugu horaysay ee la joojiyo wadashaqaynta xawaaladaha soomaaliya, bangiyada maraykanka ayaa horay u joojiyey inay la shaqeeyaan xawaaladaha soomaalida, dadaal dheer ka dib waxaa lagu guulaystay in dib loo furo, hadana waxaan filayaa in lagu guulaysan doono is faham dhexmara dhex mara xawaaldaha soomaalida iyo bangiyada canada.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :