asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

sacii mooshinka oo dhalay

sacii mooshinkaXildhibaanda soomaaliya  waxaa u curatay oo u dhashay neef sac oo mudo badan ay fool dhawrayeen, xidhibaanada soomaaliya ayaa mudo dheer ilaahay ka baryayey inay helaan qilaaf soo kala dhexgala ma suuliyiinta u saraysa dawlada soomaaliya si ay u helaan mooshin, xildhibaanada soomaaliya ayaa jeebkoodu marnaa tan iyo intii la dhisay dawlada hada jirta, xildhibaano badan ayaa loo haystaa lacagtii ay ku soo galeen baarlamaanka soomaaliya, xildhibaanada qaarkood ayaa 150 kun oo doolar ay uga baxday kursiga baarlamaan ee uu hada fadhiyaan, xildhibaandii lacagta badan ku bixiyey kursiga baarlamaanka waxaa ay filayeen inay jeebkooda ku soo xeroon doonto mid ka badan tii uga baxday kursigiisa, xildhibaano badan ayaa u qaadan waayey in hal sano oo isku xigta uu imaan waayey khilaaf soo kala dhexgala madaxda dawlada, nasiib wanaag xildhibaanda waxaa u yimid  mooshin aysan ku tala galin , xildhibaandu waxaa ay niyada ku hayeen khilaaf soo kala dhexgala raiisal wasaaraha iyo madax waynaha kadibna mooshinka ay ka helaan lacag aad u fara badan, xildhibaanada soomaaliya ayaa u qaadan waayey in khilaafka ka dhex  jira gudoonka baarlamaanka inuu run yahay iyo in kale, magaalada muqdisho waxaa ka socda xiisad mooshin oo ay wadaan xildhibaanda soomaaliya, waxaa xildhibaanda dhexdooda ka socda kooxaysi iyo gorgortan dhaqaale, xildhibaanadu xaalada ka dhex jirta godoonka baarlamanka iyo xukuumada aad ayey u sii qaribayaan , waxaana ay samaynayaan wax kasta oo  cuuryaamin kara inuu si hagaasan u shaqeeyo baarlamaanku. inta badan xildhibaanada soomaaliya ayaa ah kuwo isha ku haya meel kasata oo dhaqaale ka heli karaan, si kastaba ha noqtee xildhibaanada soomaaliya ayaa iyo aad ugu faraxsan  xaalada mooshinka ah ee ka dhextaagan dawlada soomaaliya, waxaana ay xildhibaanadu quud darynayaan inay mooshinkaas socda ka dhex heli doonaa xoogaa dhaqaalo ah, ugu danbayn waxaa aad u kala fog masuuliyada xildhibaanada ka saaran  dalka iyo dadka soomaaliyeed iyo waxa ay xildhibaanadu ku fakarayaan oo ah inay  ka shaqaystaan mooshin kaliya.

maxamad cali muqdisho

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :