asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

tacadiya caruurta oo si wayn uga socda soomaaliya

 ganacsiga caruurtaDalka soomaaliya waxaa xarun ka dhigtay danbiilayaal waa wayn oo caalami ah, waxa sababay in danbiilayaashu ay soomaaliya gabaad ka dhigtaan ayaa ah dawlad la,aantii mudada dheer ka jirtay halkaas, dambiilayaasha ku sugan soomaaliya waxaa u suurta gashay in wixii ay doonaan ku sameeyaan dalka iyo dadka soomaaliyeed. 24kii saac oo kasta dalka soomaaliya waxaa ka dhaca in kabadan 500 oo danbi oo kal nooc ah, maantay waxaan soo qaadanaynaa tacadiyada joogtada ah ee loo gaysto caruurta soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha soomaaliya,caruurta soomaaliyeed ee ku dhagan gudaha soomaaliya waxa ku dhacay nasiib daro aad u baahsan,caruurta soomaliyeed waxaa loola bareeray in loo gaysto dhibaato ay naftooda ku waayaan, gudaha soomaaliya waxaa ka jira mushruuc ka shaqeeya inay caruurta yaryar ee aan qaangaarka ahayn dibada loo iibgeeyaan,  waxaa dalka soomaaliya si joogta ah looga dhoofiyaa caruur yaryar oo an qaangaar ahayn, caruurtaas ayaa isugu jira kuwo la soo xaday iyo kuwo la soo kala iibsaday, waxaa jira caruur walidoontoodii la laayey si ayaga loo qaato, gobolada soomaaliya kumaankum caruur ah ayaa la qabtay ayagoo dhoof loo wado, danbiilayaasha ka shaqaysta hawshaas waxaa ay degan yihiin oo ay xarumo ku lee yihiin magaalooyinka kala ah , muqdisho hargaysa nairobi kenya iyo dubie, balse waxa aanan si sax u garanayn wadanka loo dhoofiyo  ubadka yaryar ee soomaaliyeed, caruurta dalka soomaaliya waxaa looga saara diyaarado iyo maraakiib, danbiilayasha ka shaqeeya dhoofinta caruunta ayaa gudaha soomaaliya ka samaysat beero ay ku taalaaleen caruur,  haween badan oo sabool ah oo da,yar ayey heshiis kula galeen inay u dhalaan caruur waxaana ay siiyaan xooga  lacag ah,  waxaa kale oo ay si toos ah xiriir ula lee yihiin haweenka jirkooda ka ganacsada,  danbiilayaasha ka shaqaysta hawshaas waxaa ay isugu jiraan rag iyo haween, lama oga caruurta la dhoofinayo waxa lagu samaynyo, waxaase laga yaabaa inay caruutaas warshadaynayaan, dhanka kale waxaa gudaha soomaaliya ka jira gabdho aad u yar yar in ciidamada amison laga iibsado, waxaa kale oo jira kuwo kale oo wadamada dariska ah la geeyo si jirkood loga ganacsado,  si kastaba ha noqotee xalaada ay sugan yihiin ubadka soomaaliyeed ee ku sugan soomaaliya ayaa ah mid aad u qatar badan, mana muuqato dawlad awood leh wax ka qaban karta dhibaatada lagu hayo ubadka soomaaliyeed, ugu danbayntii caruurta laga guryo gudaha soomaliya cimrigoodu waxa uuu dhexeeyaa 2 sano ilaa 13 sano, caruur taasu waxaa kuwii dhaxli lahaa dalka soomaaliya.

wariye maxamad cali muqdisho

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :