asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

waa kuwama siyaasiyiinta u ficilooday dalka iyo dadka soomaaliyeed

Maryan Aways JaamacDadka waxaa lakala bartaa markii ay timaado xalad adag,  qofka fulayga ah inta aan colka lagalin waxaa uu iska dhigaa qof geesi ah, qofka baqiil ah inta aan xoolo la waydiin waxaa uu iska dhigaa deeqsi,  siyaasiyiinta ka dhexmuuqda arimaha soomaaliya waxaa ay isugu jiraan kuwo damiir leh iyo kuwo liita oo aan wax damiir ah lahayn, siyaasiyiinta soomaaliyeed waxaa ay kala baxeen maalintii uu carabka waalan ee reer dubie uu ku dhawaaqay in xabashi ay barbara wax ku leedahay, siyaasiyiin badan oo soomaali ah ayaa ku dhici waayey inay wax ka yiraahdaan gardarada uu ku hadlay carabka doqonka ah ee reer dubie, siyaasiyiin kalyo adag oo soomaali ah ayaa durba ku gacan sayray dulmiga ay wado dubie,waxaana ay ka bixiyeed jawaab degdeg ah, siyaasiyiinta ay dadnimadu ku jirto ee ka ficililooday gardarada emarete waxaa ay intooda badan ka soo jeedaan magaalada muqdisho , allaha sharfee hadaladooda waxaa u riyaaqay dhamaan umada soomaaliyeed inta wanaaga jecel ,waxaana aan ilaahay uga baryayna inay noqdaan madax laga haybayso, ubadkooda iyo cimrigooda iyo caafimaadkooda iyo dhaqaalahooda allaha u barakeeyo. in kastoo ay jiraan siyaasiyiin badan iyo shacab badan oo ka hadlay  dulmiga emarete hadana waxaan soo qaadanayaa  dhowr nin oo taariikhda soomaaliya ka galay baal dahab ah ,mawaadinintaas codkooda mujiyey waxaa ka mid ah= mudane salaad cali jeele,mudane xasan sheekh maxamuud, mudane daahir amiin jeesow, mudane cabdi islaaciim samatar, mudane axmad macalin fiqi, mudane xasan cali khayre iyo mudane zakariye xaaji cabdi, iyo marwo Maryan Aways Jaamac iyo siyaasiyiin kale, waxaa dulmiga emaradka ka amaasay dhamaan saxaafada kala duwan ee soomaalida, laamaha afka Soomaaliga ee bbc iyo voa ayagu waxaa ay qabsadeen wixii lagu yaqaanay oo ahaa logooyadii iyo dabindaabyadii ay waligood ku hayn jireen umada soomaaliyeed, waxaana caado u ah inay xayeesiin u sameeyaan cadawga umada soomaaliyeed  soo weerara, sidoo kale dadka kunool maamul goboleedyadu  waa ka aamuseen duulaanka qaawan ee ay emaarada dubie ku soo qaaday soomaaliya, inta badan qurba joogta soomaaliyeed waxba kama soo qaadin wixii ka dhacay berbera, wax dan ahna kama lahan dal iyo dad soomaaliyeed midna, waxaana ay ku mashquulsan yihiin arimo qabyaaladeed iyo shiishad la dhuuqo iyo xalwo xiliyada qaboobaha la cuno, iyo internetka oo la isku caayo, caqligooduna ma dhaafsana facebookga oo la soo galiyo war xun iyo sawiro foolxun, si kastaba ha noqotee waxaan halkaan uga hambalyeynayaa dhamaan umada soomaaliyeed inta ka ficilootay gardarada qaawan ee ay xabashi iyo carab ku soo qaadeen dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxan lee yahay  waa lahubaa in xabashi iyo carab ay ku jabi   doonaan duulaanka gardarada ah ee ay soo qaadeen,mana ahan markii u horaysay ee ay carab iyo xabashi soo weeraraan dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaa xusid mudan 1977dii dulaankii qaawanaa ee ay si wadajirka ah ay carab iyo xabashi ugu soo qadeen dalka iyo dadka soomaaliyeed, kaasoo ay kala kulmeen jab iyo ceeb, kan ay hada soo qaadeen xabashi iyo carab  waxba kama duwana kii hore  insha allah kana waa ku jabi doonaan,.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :