asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

hadaad nabad rabto umada nabad gali

NABAD IYO NOLOLNabad galyadu waa shayga u horeeya ee nooluha dhamaantiis ay noloshiisu ku xiran tahay, hadii nabad la waayo  ma jirayso wax nolol ah,  hadii nabad la helo waxaa la helayaa nolol wanaagsan iyo barwaaqo , hadaba sidee nabad lagu helaa? nabadu waa wax ku jira gacan noolaha,  qof walba oo dunida jooga amaankiisu waxaa uu ku jiraa gacan tiisa, hadii aad  nabad galiso maqluuqa rabigay abuurtay waxaad ka nadab galaysaa sharta maqluuqa, qofkasta oo xumaan ka shaqeeya waxaa uu ku danbeeyaa nolol xumo, dunida aan ku nool nahay ma jiro noole inta ku gafay noole kale oo nabad ku nool, qofka daalinka ah ee umada dhiba ilaahay waxaa uu ku salidaa wax asaga dhiba, sida col iyo cuduro iyo walwal , qofka aadanaha ahi hadii uu doonayo inuu dunida nabad ku joogo waa in marka hore asaga nabad laga helaa, waa in laga nabad galaa afkaaga iyo adinkaaga , waa inaadan dulmin wax kasta oo nool o dunida jooga,  waa in shartaada laga magan galaa,  waa inadan ka shaqayn wax wax u dhimi kara noolaha dhamaantiis, xataa xaq umalihid inaad disho mas gurigaaga soogalay ilaa aad ka abhiso, noole kasta oo gurigaaga aad ku aragto hadii uusan weerarin waxba uma dhibi kartid,  noolaha  dunida ku nool waxaa ugu karaamo badan aadana, waa inaad dadka kula dhaqantaa si wanaagsan, waa inaad aadanaha noloshiisa iyo maydkiisa aad xurmo u yaashaa, waa inaadan samayn wax wax u dhimaya aadanaha, waa inaad ka fogaataa waxkasta oo keeni kara in waxyeelo soo gaarto qof aadana ah, qofkasta oo dunida jooga waxa uu samaynayo ilaahay waa la socdaa oo kama qarsoona, inta badan rabigay waa fashilyaa qofka daalinka ah ee dadka dhibaateeya, waxaana uu ku salidaa kuwo ka xoog badan,  si kastaba ha ahaatee qofna yuusan ku tala galin inuu inta wax haleeyo uu nabad galo, qofka adanaha ahi waxaa noloshiisu ku fiican tahay inuu amaan  buuxda hayso, ma wanaagsana inuu qofku gaaro in qof kale  waardiyeeyo, taasna waxaa  ay calaamad u tahay nolosha ciriiriga ee uu qofka ku jira  , ugu danbayn umada soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan wax kasta oo keeni kara inay soomaaliya ahaato meel nabad ah oo ay ku nabad galaan noolaha oo dhan. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :