asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

Waa kuwee shanta af ee barabixinta ku wada afka soomaaliga?

Afka soomaaligu waa af looga hadlo geeska afrika  waxaana ku hadla dadka loo yaqaan soomaalida, hadaba waxaan doonaynaa inaanu soo bandhigno shanta af ee ku tartamaya sidii ay meesha uga saari lahaayeen afka soomaaliga, shanta af waxaa ay kala yihiin ,(1) engilishka (2)carabiga(3)sawaaxiliga(4)amxaariga(5)faraxsiiska,  shantan af ayaa ah kuwo si joogta ah  ala falgala afka soomaaliga  afafkaan ayaa meesha ka saararay kalmado badan oo af soomaali ahaa, adeegsiga afafkaan aan kor ku soo sheegnaya ayaa dad badan oo sooli ah ka lumiyey afkoodii hooyo, hadab waxan rabnaa inaa wax iska waydiino, xageebay ka soo galeen shantaan af dalka soomaaliya?  shantaan af ee an kor ku soo sheegnay  waxaa ay qaarkood ku yimaadeen dool , qaarna daris ayey layihiin,  waxaanu  rabnaa inuu iftiimino afwalba sida uu ku yimid gayiga soomaaliyeed.

afka ugu horeeya ee barabixinta ku haya afka soomaaliga waa afka carabiga sababta uu dalka soomaaliya ku yimid waa dadka soomaaliyeed oo ah dad muslim ah oo haysta diinta islaamka,  diinta islaamkuna waxaa ay ku qoran tahay cababi, caribana inaad barato waa qasab oo waxaa uu kuu sahlayaa barashada diinta islaamka, lakiin ma ahan in laysku qaldo afka carabiga iyo afka soomaaliga.

Afka kale ee barabixinta  ku haya afka soomaaliga waa afka englishka , afka engiriiska  ayaa dool ku tagay dalka soomaaliya in kastoo uu qayb kamid ah dhulka soomaaliya uu gumaysan jiray,sababaha uu hada afka ingriisku ku joogo dalka soomaaliya ayaa ah sababo dhaqaale, qofwalba waxaa uu u baranayaa aad nolol  iyo dhoof ku raadsatid,  waxaa  dalka soomaaliya ka furan malaayiin iskool oo gaar looleeyahay  oo lagu barto afka ingiriiska, waalidiinta danyarta ah ayaa ubadkooda kula dadaala sidii ay u bari lahayeen afka ingiriiska, hadaba afka isgiriisku waxaa uu meesha ka saaray  kalmadop badan oo afsoomaali ahaa,  mida kale waxaa aad u adeegsada dadka loo yaqaano galtishaaraha una badan dad waawayn ayaa inta badan isku dhexdara  englishka iyo afka soomaaliga , waxaana u suurto galiya warbaahinta qaarkeed, afka ingiriisku waxaa uu ka faaiidaystay dawlada la,aaltii ka jirtay 25kii sano dalka soomaaliya.

Afka kale ee barabixinta ku haya afka soomaaliga waa afka loo yaqaan afka sawaxiliga, afka sawaaxiliga ayaa sababta uu ku yimid gayiga soomaaliyeed ayaan dhihi karnaa waa af daris la ah dalka iyo dadka soomaaliyeed , waxaana harqiyey soomaalida ku nool NFD   north eastren,  dadka soomaaliyeed ee ku nool woqooyi bari ayaa ah dad xoolo dhaqato ah waana dad ay afsooligoodu uu ku dhex qaldan yahay afka sawaaxiliga, waxaana ay dhalsho iyo dhiig wadaagaan dadka soomaaliyeed, waxaa ay kusoo kordhiyeen dalka soomaaliya afaf ka yimid sawaaxiliga,  waxaa kale oo ka si daran markii ay burburtay dawladii dhexe ee soomaaliya , waxaa afka sawaaxiligu  soogaray  gobolada dariska la ah dalka kenya ,sida jubada hoose iyi gobolka gedo,  magaalada buuloxaawo  eeku taala gobolka gedo waxaaba laga isticmaalaa lacagta kenya, afka sawaaxilu waxaa uu ka faaiidaystay dawlad la,aantii ka jirtay 21kii  dalka soomaaliya

.Afka kale ee baraxinta ku haya afka soomaaligu waa af ka amxaariga, afka amxaariga ayaa dalka soomaaliya uga yimid  xag daris, afka amxariga ayaa waxaa uu hafiyey gobolka ay soomaalidu degen yihiin ee soomaali galbeed, soomaalida gobolkaas degan waxaa ay dhiig iyo dhalasho lawadaagaan dadka soomaaliya degay, dadkaas  ayaga ahi waxaa ay ku hadlaan  afsoomaali uu ku dhexqaldanyahay  af amxaari, dadkaas soomaali galbeed  waa dad reer guuraa ah, hadaba warkii ay burburtay dawladii dhexe ee soomaaliya  waxaa xuduudaha  soomaaliya   soo jabsaday afkii ithoopia waxaana uu meesha ka saaray  kalmado badan oo afsoomaali ahaa,  waxaa uu hada ka howlgalaa  af amxaarigu  gobolada xuduuda laleh dalka ithoopia, waxaana uu ka faaiidaystay dawlad la,aan tii ka jirtay 21 sano dalka soomaaliya,

Afka kale e barabixinta ku haya afka soomaaliga waa afka faransiiska,  afka faransiiska ayaa dalka soomaaliya waxaa uu ku tagay dool , waxaana uu ku soo gabay wadanka jabuuti oo uu gumaysan jiray  faransiisku, soomaalida ku nool dalka jabuuti ayaa ku hadasha afsoomaali uu ku dhexjiro  af faransiis ,dadka reer jabuuti waa  dad lawadaaga dalka soomaaliya dhiig iyo dhalasho, soomaalida ku nool jabuuti ayaa waxaa ay soo kordhiyeen afsoomaliga kalmado badan oo aan soomaali ahayn ,kuna badalay afka faransiinka, markii ay dhacday dawladii dhexe ee soomaaliya waxa uu  afka faransiiku gaaray gobolaga dariska la ah jabuuti, waxa kale oo uu dhex muquuray suugaantii soomaalida sida rewaayadaha  ay soo duuban fanaaniinta reer jabuuti waxaad ku dhex maqlaysaa kalmado badan oo faransiis ah, waxa uu ka faaiidaystay afka faransiisku dawlad la,aanta ka  jirtay 21 sano dalka soomaaliya. hadaba hadii afka soomaaligu sidaan ku sii socdo maxaa dhici kara?  weaxaa dhici kara inuu meesha kabaxo afka soomaaligu , samaysmaana  af isu keenkeen ah ka yimid  shantaas af oo hor leh, ugu danbayntii umada soomaaliyeed  waxaan ku bogaadinaynaa inaysan lumin  afkooda iyo dhaqankooda iyo diintooda hadii kale waxaad ku danbayn doontaan waxaad hada tihiin waxka sii daran.

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :