asmaul-husna waqtiga-salaada1-
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

waalid daroogo cuna ubad kiisu ma toosaan

daroogoDal iy dibad guryihii ay degaan yihiin qoysaska soomaliyeed intooda badan waxaa ay noqdeen guryo daroogada lagu cabo, waalidiin badan oo soomali ah oo ku nool dalka iyo dibada ayaa caadaystay inay gurigooda ku dhexcabaan daroogada noocyadeeda kala duwan, walidiintaas ayaa awoodi waayey inay  ubadkooda kala xishoon daroogada, inta badan waalidiinta soomaliyeed ee qurbaha ku nool ayaa daroogada aad u isticmaali jiray, dhaxalkii ay daroogada ka heleena miraheedii ayey cunayaan, gudaha soomaliya ayaan ku soo aragnay waa lidiin badan oo guryahooda daroogo ku isticmaalaya, waliba ubadkooda oo arkaya ayey isticmaalan daroogada, noocyada daroogada ee aan ku soo arkay waxaa ka mid ahaa shiishada  iyo jaadka iyo tubakada iyo sigaarka iyo kiniiyo, qoysaskaas aan indhaha soo mariyey ee darooga isticmala ubadkoodu ma ahayn kuwo hagaagsan,

Waayihii hore daroogada waxaa lagu timaami jiray ragga oo kaliya , baryahaan danbe  haweenka soomaaliyeed ayaa u batay isticmalka daroogada, taasoo dhabarjab ku ah qoysaska soomaaliyeed, siticmaalka daroogadu waa wax aad u xun oo waxyeelo daran  u gaysada qofka isticmaala, marka danbana disha noloshiisa iyo sharafkiisa, hooyooyinka soomaaliyeed waa lafdhabarkii qoyska , hooyadu hadii ay halawdo ubadkuna waa qaribmayaan, caruurtu markii ay yaryar yihiin waxaa ay wax walba uga daydaan hooyadood, bal ka warama hooyo soomaaliyeed oo shiishad iyo sigaar iyo jaad ubadkeeda ku dhex cunaysa, waalidiintu waa muraayad , caruurtuna waxaa ay muraayada ka arkaan ayaa ah wixii uu waalikood samaynayo, baritana waa qasab ah inay samaynayaan, raagga qaba hooyinka shiishada caba ama ayagu isticmaala daroogada ayaa ah rag ma suuliyadoodii gabay, mana dhici karto in nin aan raali ka ahayn ay xaaskiisu shiishad cabto,

Dhanka kale haween iyo rag badan oo caba shiishada ayaa ku dooda inshiishadu aysan daroogo ahayn, taasoo ah been aan sal iyo raad lahayn, shiishadu waa daroogo culus waxaa ay ka qatarsan tahay oo ay ka daroogo badan tahay qamriga iyo xashiishka iyo cocinka, halkii mar oo aad jiido shiishada waxaa ay u dhigantaa adigoo cabay 100 xabo oo sigaar ah, qofka shiisha caba waxaa uu ku dhaca kansanku  dhaca sanbabada iyo dhuunta, taasina waa hubaal.

Waalidiinta soomaliyeed ee ay madaxmartay daroogada waxaan kula talin lahaa inay ka fogadaan daroogada kana fogeeyaan caruurta, ragga soomaaliyeed ee qaba haweenka shiisha caba waa inay ka fakaraan mustaqbalka ubadkooda, ragaasu waa inay marka hore daroogada iska dhaafaan marka xigtana ka waaniyaan xaasaskooda , hadii ay ka diidana ka fiirsadaan sii qabideeda, si kastaba ha noqotee haween badan  ayaa cabida  shiishad ka doortay  inay  mustaqbal yeeshaan oo ay meel degaan, ugu danbayn umada soomaaliyeed waxaan ku waaninayaa inay hagaajiyaan guryahooda iyo ubadkooda , kana fogeeyaan wasaqda iyo daroogada, guri nadiif ah waxaa ka soo baxa umad nadiif ah. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :