asmaul-husna waqtiga-salaada1-
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

danbiile seeraar gacantee buu ku lahaa xasuuqii kismayo

seeraar killer genocideArinata cajiibka ee ay ka siman yihiin soomaalidu ayaa ah inay kursi ama xukun ku badashaan inay naftooda galiyaan dakano, inta badan soomaalidu kama fakaraan mustaqbakooda danbe, intii u dhaxaysaysanadkii 2012gii ilaa 2016 waxaa magaalada kismyo ka dhacay xasuuq aad balaaran  oo lagu qaaday shacabka  gobolka jubada hoose iyo magaalada kismayo, dadkii xiligaas xasuuqa gaysanayey waxaa ay ahaayeen malaysiyo qaab qabiil u abaabulan oo ay kala hogaaminayeen danbiile axmad madoobe iyo cabdulaahi timajilic, malaysiyadaa xiligaas qabsatay magaalada kismayo waxaa  laga soo abaabulay gudaha wadanka kenya, malaysiyadaas uu hogaaminayey axmad madoobe waxaa taageero u ahaa ciidamada kenya,  markii ay qabsadeen magaalada kismayo 6 bilood kadib waxaa uu axmad madoobe iyo saaxiibadiis ku dhaqaaqeen inay xasuuqaan qaar ka mid ah shacabkii ku dhaqnaa magaalada kismayo, xasuuq aad aad u foolxun ayaa ka dhacday magaalada kismayo, waxaa kale oo ay malaysiyadaasu gaysteen kufsi dhac iyo guryo la burburiyey, isku celcelin shacabkii lagu xasuuqay magalada kismayo ayaa tiradooda lagu sheegaa 5870 ruux , shacabka reer kismayo ee laga qixiyey magaalada kismayo ayaa kor u dhaafayaa 500 000 kun, magaalada kismayo waxaa ay marqura isu badashay tuulo ay leeyihiin axmad madoobe iyo inta ku hareeraysan, kadibna dhuxushii ayey kenya bilowday inay si joogto ah uga dhoofiso magaalada kismayo, walina hawshii sidii ayey uga socotaa magaalada kismayo.

Hadaba maantay qoraalkayga waxaan ku eegayaa danbiile cabdi naasir seeraar gacanta uu ku lahaa xasuuqii foosha xumaa ee ka dhacay kismayo, cabdinaasir seeraar waxaa uu ahaa mid ka mid ah horjoogayaasha malaysiyadii axmad madoobe, seeraar waxaa uu ahaa abaanduulihii hawlgalka lagu sifaynayey kismayo, seeraar waxaa uu ahaa afhayeenkii ciidamada cadawga ah ee raaskambooni, seeraar waxaa uu ka mid yahay afarta nin ee ku eedaysan xasuuqii taariikhiga ahaa ee ka dhacay magaalada kismayo, afartaas waxaa ay kala yihiin axmad madoobe  c/laahi timajilic, seeraar iyo darwiish, afartaas nin ayaa kuwo aysan shacabka kismaayo waligood iloobi doonin, waxaana hubaal waqti kastaba oo ay gaarto in lagula xisaabtami doonaa wixii foosha xumaa ee ay ka gaysteen magaalada kismayo, cabdi naasir seeraar ayaa ahaa ninkii watay malaysiyadii waqtigaas xasuuqa samaynaysay, si kastaba ha noqtee dhawaanahaan waxaan isha ku haynay danbiile seeraar  oo eedaynaya danbiile axmad madoobe, hadaba in danbiilayaashii ku eedaysnaa xasuuqa kismayo anay wali kismayo sii joogaan waxaa sababteeda iska leh ciidamada cadawga ah ee kenya ee ku  jira kismayo, ugu danbayn cabdi naasir seeraar waxaa uu naftiisa iyo ubadkiisa u soo jiiday dakano mahadho ah waana mid hortaalaa aduun iyo aakhiro, ogoontii iyo rajadii uu llaayey  aabayaashood iyo hooyooyinkood  way la socdaan meelwalba oo uu cabdi naasir seeraar dunida ka tago.

cabdi boorow  tuulada cabdalla biroole

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :