asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

soomaalida korku ha u bog soodo inta batrooka laga soo saarayo

xabashiDoqomada ku nool  gobolka soomaali galbeed ayaa run u qaatay riwaayada ay xabashido bariga africa,, dawlada cadawga ah ee xabashida ayaa wadankeeda ka wada arimo been ah oo ay ku indha sarcaadinayso soomaalida ay horay u dulaysatay ee ku dhaqan gobola soomaali galbeed, xabashida ayaa doonaysa inay  dhulka soomaali galbeed ka gurato  khayraadka kujira, dhulka soomali galbeed ee ay xabashidu xooga ku haysato ayaa laga helay ceelal waa wayn oo uu shidaal iyo dahab badan ka buuxo, shidaalkaas ayey xabashidu u doonaysaa inay dhaqaalaha uga soo xarooda %50 ay ku hormariso xabashida, %50 na ay dib soomaaliya ugu burburiso, sida dawlada kenya dhaqalaha uga soo xarooda dhuxusha soomaaliya iyo macdanta ay bada soomaaliya ka guranayso ay soomaaliya  ugu burburiso.

Soomalida ka soo jeeda gobolka soomaali galbeed ayaa mooday in waadanka cadawga ah ee xabadhida uu ka dhacay  is badal  siyasadeed , dawlada xabashidu waxba iskama badalin ,nacaybkii iyo cadaawadii ay xabashidu u qabtay  umada soomaaliyeed waxba is kama badalin, xabashidu shaatiga waa badalataa laakiin dhuuxoodu isma badalo, horjoogaha xabashida abi axmad waxaa uu soomaali uga cadaawad badan yahay horjoogihii baqtiyey ee milas sanaawi, abiyey axmad waa ninka loo soo xushay inuu  gool wanagsan ka ciyaaro sidii uu dalka iyo dadka soomaaliyeed u burburin lahaa, abi axmad ayaa doonaya dhaqalaha uga soo xarooda shidalka dhulka soomaali galbeed uu ku maalgaliyo labada malyan oo oromada ah oo ku jira gudaha soomaaliya, abi axmad waa nin ay dabada ay ka wadaan wadamo carab iyo reer galbeed ah oo soomaali cadaawad badan u qaba.

dhanka kale bara kicinta iyo duulaanka lagu qaday shacabka soomaali galbeed ayaa qayb ka ah qorshaha qawan ee ay xabashidu ku wado dalka iyo dadka soomaaliyeed,  xabsiyada maamulka xabshida waxaa ku jira kumaankum  soomaali ah oo aan waxba galabsan, kumaankum soomaali ah ayaa la ildar dhibaatooyin ay u gaysteen gumaysiga xabashidu,

danbiilihii cabdi ilay waxaan maqalay inuu maqale aroos ku yahay, dawladu xabashidu waxba kama soo qaadin laba malyan oo soomaali ah oo ka mid ah shacabka soomali galbeed oo ay xabashidu xasuuqday, saraakiishii xasuuqday shacbigaas dawlada xabashidu darajo ayey siisay, umada soomaaliyeed meelwalba oo ay  joogto xabashi wax wanaag ah  uma hayaan, 850 sano ayey shacabka soomaaliyeed dagaal kula jireen xabashida, walina dagaalkii waa socda,xabashi iyo soomaali waxa u dhaxeeya illahay kaliya ayaa garanaya, aad ayey u fog tahay in soomaali iyo xabashi ka heshiiyaan waxa dhexyaala,waxa kaliya ee xabashi iyo soomaali isugu soo dhawan karaan (1) inay xabashi ka baxdo dhulka soomaali galbeed, (2) inay magdhow ka bixiso 850 sano dadkii ay xabashi dishay,

si kastaba ha noqotee maamulka xabashida ayaa shacabka soomaali galbeed ka dabciyey dacaygii ay ku hayeen, ujeedada ay xabashidu sidaas u yeeshay ayaa ah mid ku doonayso inay danaheeda ku fushato dhulka soomaali galbeed , markii ay xabashi danteeda ka gaarto gobolkaas soomaaligalbeed waxaa ay gobolkas madax uga dhigaysaa kuwo la mid ah mujrimkii cabdi ilay ,

ugu danbayn dawlada xabshida waxaa uga digaynaa inay isku daydo inay wax shidaal ah ka soo saarto dhulka soomaali galbeed, hadii ay xabashu ku dhiirato inay soo sarto khayraadka gobolka soomaali galbeed waxaa ku dhici doona wax ay dhul soomaliyeed uga caagto.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :